haatuf.net
“Somaliland Sharcigii Waa Lagu Tuntay Dawladaana Kaw Ka Ah, Xukuumaddu Waxay Tidhi Iyaga Lama Dooran, Waa Run, Laakiin 26-Ka Jun Iyagana Xilkiibaa Ka Dhamaaday”Jamaal Cali Xuseen
April 28, 2015 - Written by Admin Two

Washington, health April 28, 2015 (Haatuf) – Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, Jamaal Cali Xsueen ayaa ka hadlay dib u dhaca doorashada, isaga oo xukuumaddana ku eedeeyay inay sharciga dalka ku tumanayso.

Waxa uu sidan ku sheegay musharax Jamaal waraysi dheer oo uu siiyay shabkada Qurbajoog, kaas oo aanu qayb ka mid ah halkan idiinku soo gubin doono, waxaan hadaladiisa ka mid ahaa “Kordhiskan farsamo hada muu kordhin ee waxa uu kordhay 2013-kii markii dawladu ay carqaladaynaysay heshiiskii xisbiyada iyo saxeexii madaxweyne ee mid hada yimi maaha, waanu arkaynay awalba horena waanu u sii sheegnay,Jamaal1 waxaanu caalamka u sheegaynay in kordhintu aanay wax Somaliland u fiican, waad ogtihiin oo guurida 24 sanadood ayuu arinkoodu laalaadaa, wakiiladii toban ayay marayaan xeerkii lagu dooran lahaana aanay samayn, dawladnimadu waxay wacantahay marka sharciga la dhawraayo, dawladu marka ay u badinaysana waa sharciga ha la dhawro marka kalena way ku tumanaysaa, shantii sano ee hogaaminta loo ogolaaday way dhaanaysaa, markaas waa inay isku yimaadaan dadkii ay qusaysay si arimaha looga hadlo, laakiin xoogbaan ku haysanayaa mid aanu yeelano maaha.”

“Xukuumaddu waxay tidhi iyaga lama dooran, waa run, laakiin 26-ka Jun iyagana xilkiibaa ka dhamaaday, markaas isku mid ayaanu nahay, waxaa fiican laakiin si hanaanka doorashooyinku inuugu sii socdo in arinka laysaga yimaado oo madaxweynuu dadka isugu yeedho, hadii ay dhici waydo isbahaysiga mucaaradku waa kii sheegay inuu dawlad wadaag ah samaynaayo, Somaliland sharcigii waa lagu tuntay dawladaana kaw ka ah, dawladii ayaa sharcigii baalmartay oo aan waxba ogalayn.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS