haatuf.net
Madaxdhaqameed Naqdiyay Qorshaha Xukuumadda Ee Diwaangalinta iyo Shidaal Baadhista Gobolka Daad-madheedh iyo Nuxurka Qodobo Xasaasi Ah Oo Ay Ka Soo Saareen
November 10, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, anabolics November 10, medstore 2014 (Haatuf) – Madaxdhaqameed ka soo jeeda gobolka Daadmadheedh ee Somaliland, diagnosis ayaa naqdiyay qorshaha xukumadda ee ku aaddan diwaangalinta gobolkoodaasi iyo tirada goobaha diwaangalinta ee ay u qoondaysay xukuumaddu. Waxay sidoo kale aad u dhaliileen qaabka Xukumaddu u wado qorshaha Shidaal Sahaminta ah.

Shir Jaraa’id oo madaxdhaqameedkaasi ku qabatay hutelka Shiraaqle ee magaalada Hargeysa ayaa waxay ku sheegeen in gobolkaas oo ka kooban degmooyin badan loo qorsheeyay tiro yar oo goobo diwangalineed ah.

“Shirkan Jaraa’id waxaanu u qabanay inaanu ku soo bandhigno tabashooyin Gobolka Daad-madheedh leeyahay.waxaa ugu horeeya Diwaangalinta.diwaangalinta anagu intii laga hadlayay kamaanaan hadal oo waxaanu sugaynay intay Gobolkayaga ka bilaamayso.waxaa nagu maqaale ah in todobaadada soo socda Gobolka laga bilaabayo Diwaangalinta.Gobolka Daad-madheedh waa Gobol balaadhan.wuxuu ka kooban yahay 80 Magaalo,waxaana nalagu yidhi 80-kak Magaalo waxaa loo qoondeeyay 6 Goobood.

Taas waxaanu u aragnaa haddaanu nahay Madaxdii Gobolka iyo dadweynahoodaba,in Ninka arintaas Qorsheeyay aanu ugu tala galin in Gobolka Daad-madheedh diwaangalini ka qabsoonto,Waayo? 80 Magaalo oo 80 Magaalo oo kalena ka sareeyaan ayaa ku xidhan Gobolka Daad-madheedh.Waa reer Guuraa,Kolba dhinac bay u socdaan.dadkaas anagu markii hore waxaanuba islahayn Inamada Diwaangalinta qaadaya hala daba wado oo kolba meesha ay degayaan ha loogu geeyo.” Ayaa ka mid ahaa Hadalka Madaxdhaqameedka.

Dhanka kale Madaxdhaqameedku waxay ka digeen inay hor istaagi doonaan Hanaanka Shidaal baadhista maadaama aan cidi kala tashan qaabka loo baadhayo shidaalku

“Ta Shidaalka,waanu maqlaynay 7 sano Shidaal baa laga qodayaa Gobolka,maanu hadal,Wasiirka kamaanu arag,Qof shaqaale ah kamaanu arag,iyadoo hawada wax lagu kala saxeexanayo ayuun baanu maqlaynay.waxaanu islahayn uun idinkana waa la idiin maqan yahay oo Naasweyn baa idiin dihin oo idinkana waa la idiin soo socdaa oo waa la idinkala tashan.May dhicin oo nagalama tashan,anaguna kala tashan mayno cidna.Gobolkayaga iyo degaankayaga xooluhu noo daaqayaan ee dadku noo joogo, maadaama aan cidi nagala tashan oo Baarlamaankii aanu soo dooranay cidi kala tashan anaguna cid kala tashan mayno.”ayaa ka mid ahaa hadalka Madaxdhaqameedka.

Qodobada madaxdhaqameedku soo saaray

“Madaxdhaqameedka Gobolka Daad-madheedh waxay isla garteen qodobada hoos ku qoran”

  1. In Diwaangalinta Madaniga ahi tahay Arin waajib ah, loona baahan yahay in dadku ay qaataan Aqoonsiga Somaliland-nimada,waayo? Xoolahaaba sumad ka maarmi waayay;

 

  1. Madaxdhaqameedku wuxuu isla waafaqay inaanay ku filnayn goobaha loo qoondeeyay Diwaangalinta Gobolka Daad-madheedh oo ah 6 Goobood,Madaxdhaqameedku wuxuu soo jeedinayaa in la kordhiyo goobaha,lagana dhigo ugu yaraan 80 Goobood;

 

  1. Gobolka daadmadheed oo ka kooban 160 Magaalo,waxa uu sidoo kale xuduud dheer la leeyahay Kililka Shanaad oo dad Reer Somaliland ahi dagan yihiin,iyagoo ah Xoolo dhaqato marna kor u Guura marna ka soo noqda.sidaas darteed waxaa muhiim ah inay helaan goobo ku filan oo laga diwaangaliyo;

 

  1. Madaxdhaqameedku wuxuu caddaynayaa oo soo jeedinayaa in haddii la qaadan waayo Talooyinka Madaxdhaqameedku ka soo jeediyay Gobolka inaanu qaadici doono Diwaangalinta madaniga ah ee dalka ka dhacaysa oo aanay ka dhici doonin Gobolka Daad-madheedh.Madaxdhaqmeedka Oodwayne

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS