haatuf.net
Akhriso Oo Ka Boggo Nuxurka Ay Xambaarsan Tahay Maansada Dan-Sheeg Ee Uu Dhawaan Curiyey Abwaan Maxamed Abees
May 11, 2015 - Written by Admin Two

Dadku waa midkii shalay

Duulkii horeba diray

Maantana diyaarbay

U yihiin dantoodoo

Nina diarjo kuma hello

Wixii daahir lagu nacay

 

Taariikhda duuga ah

Waa la daalacdaayoo

Waxa lagu dabiibaa

hawsha dayacan ee taal

 

dawyada dugaagiyo

dawrigu ka quutee

dirkii kaa horeeyiyo

lagu cunay duqiisii

duhur lama abaaroo

doqoniimo weeyaan

laba jeer nin daganuhu

 

nabarada dilaacay

dhamymadooda daaayoo

damqashaabad ula timid

daraanta boogta ah

 

ma ogtahay doraatadan

danyartiyo miskiinkii

kuwii kuu dabaaldagay

darajaday ku saareen

ma daruur u hoortay

cirka sare u dayayeen

hayeeshee dabayliyo

duufaanka hoojaa

ku do, discount oo docdoodii

iyo dumiyay buulkay

dunidaba ku haysteen

imisaa nin daalina

dayrar adag u dhisanyiin

 

daba dhilifka liitana

waa loogu dawgalay

dawladii xumaatoo

cabdoow doolar qaatuhu

damiirkuu ka silanyahay

dakhligii dalkeenana

niman baaba daariyo

daasas badan ka yeeshoo

diinaar aanay shaqo iyo

dawarada ku soo helin

ku dalxiisa maantadan

 

qabiilkii la dabar jaray

duligiisa laga hadhay

adaa dayrtan maanta ah

ka rogaaya daahoo

diraysbaad u galisee

taasi waa daraadaa

kala daadsanaatiyo

adhi diday sidiisii

in dadkiyo dalkeenii

dunta qudha ahaan jiray

noqday reero kala daga

 

shan sanaad digreetada

doorka  haysay adiguye

miyaad daw u leedahay

doorashadan habsaantay

inaad dood ka keentaan

duruustii riyaaliyo

ma dastuur la, check aanbaa

dabcigiyo hankiinii

iyo dilay qofnimadii

daahir dawladiisii

sawtaad dacwidayeed

u dirteen digniin culus

inaad daasad tumatiyo

sanqadh diidna kala reeb

 

ma ogtahay dilaalkiyo

af miishaarka dabacsani

nabada ha iska duminina

ayuu kaga durduurtaa

dacwadii timaad ee

may dayaanto caawadan

marhadii  nin diricii

dulmi uun ku suganyahay

yaa ku dumi khasaaraha

hadii uu dagaal dhaco

kumaa fooq dulsaaran

hoose yaa u daadagi !!!

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS