haatuf.net
Qayb Kursi Ku Ordaysa Iyo Qayb Kursi Xajisanaysa Oon Is-Waydiinayn Waxa Ka Khaldan!!
May 12, 2015 - Written by Admin Two

Haatuf Staff Writer

 

Iska dhaaf Mucaarid  iyo Khawaaje Nairobi fadhiya’e Madaxwayne Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal inyarna may xushmayn ixtiraamkii  iyo tixgalintii uu shacbiga Somaliland  ka mudnaa markay aayar oo dhalatay  go’aansadeen inay labadoodu sii kala haystaan Madaxtooyadda iyo Guurtida ilaa 2017-ka  iyo 2018-ka.

Waxay dhulka jiid-jiideen sharaftii iyo karaamadii ay umaddu lahayd, rx waxaanay Somaliland galiyeen mixnad iyo qalalaase aan la saadaalin karin goorta iyo siday uga bixi doonto. Shantii sanadoodba mar ayeynu kala noqonaa qayb kursi ku cararaysa iyo qayb kursigaasi xajisanaysa, sale laakiin isma waydiino maxaa asalkeena banaan inaga  khaldan.

Go’aanka foosha xun ee xaaraanta ah Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Guurtidu may gaadheen oo kumanay dhaceen haddii aanay isku halaynaynin ciidanka hubaysan ee ay xukumaan iyadoo aanay jirin wax laga sii meel-samaystay oo ka mamnuucaya inay u adeegsadaan shacbiga oo ay waliba ku amraan inay maatidda rasaas la dhacaan, haddii toodda loo yeeli waayo.

Waxa kale oo ay ogaayeen inaanay  jirin Maxkamad dadka iyo dawladda si cadaalad leh ugu gar-qaadi karta oo  markay xaqdarro dhacdo  dhinaceeda  loo carari karro.

Qodobka 3-aad ee u suurta-galiyey Siilaanyo iyo Saleebaan inaanay shacbiga waxba iskaga-tirin waxa weeyi cashuurtii shacbiga laga qaadayey oo siday doonaan u isticmaali karaan iyagoo ilaashanaya  damacooda shakhsiga ah.

Ilaa aynu samaysano nidaam uu Madaxwayne kastaa kaga maaggo inuu si sharci-darro ah u adeegsado ciidanka iyo garsoorka ama ku takri-fali karo xoolaha ummadda waligeen ka bixi-mayno  Tiihhan oo waxaynu ku jiri-doonaa sida aynu maanta nahay.

Siilaanyo iyo Saleebaan dadka waxba ma dheera laakiin waxay arkeen inaanu jirin wax dabrayaa.

Madaxwayne kasta iyo guddoomiye guurti oo kastaaba sidaa Siilaanyo iyo Salaabeen ayuun bay  yeeli-doonaan kol hadaanay ummaddani haysan waxa damaanad ah oo u kafaala-qaadaya in aan si khaldan loogu adeegsan karrin awoodda dawladda.

Waa dhab oo Distuurkeenna qoraal ahaan waxa ku jirra qodobo xaaraan-tinimaynaya in si xun iyo si khaldanba loo isticmaalo awood-xil-dawladeed ama in Bilaysku  u shaqeeyo sidii Ciidan Milatari oo amarku sharciga ka sareeyo  ama in hantidda ummadda lagu tagri-falo iyo in Fulinta iyo Garsoorku yihiin laba waaxood oo siman. Laakiin su’aasha meesha taalaa waxay tahay, wixii inoo qornaa fic-liyan ma lagu dhaqmaa?jawaabtu waa Maya.

Kolkaas saw maaha inaynu is-waydiino as-baabaha keenaya in waxyaabihii aynu  dhiganay ay sidii la rabay u  fuli-waayaan?.

Waxaynu u baahanahay in nidaamkii dawladeed ee inoo yaalay aynu dib ugu noqono oo aynu samaysano mid leh dabbaradii aynu iskaga xakamayn lahayn ku tagri-falka awooddaha xilka dawladeed isla markaana si dhab ah (Practical)  u kafaala-qaadaya, qasabna kaga dhigaya Bilayska iyo Garsoorka-ba inay dawlad iyo shicibba  cidkasta oo sharciga jabisa abaalkood mariyaan. Haddii kale ilayn cadaalad-daradu waa meerto’e oo hadaynu dulmiga isku daawano gurmad la’aantaa ayuun-bay maalinba in inaga mid ah ku dubban-doontaa.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS