haatuf.net
“Xisbiga Waddani Wuxuu Ka Soo Horjeedaa In Somaliland Laga Takooro Beesha Caalamka, Xalna Uma Arko Muddo Kordhinta Guurtida”C/Raxmaan Cirro
May 17, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, sale May 17, 2015 (Haatuf) – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa soo dhaweeyey taageerada iyo iskaashiga ay beesha caalamku la leedahay Somaliland, waxaana ay sheegeen in ay ka soo hor-jeedaan takoorid ay sheegeen in Somaliland laga takoorayo beesha caalamka Somaliland iyaga oo sida oo kalena sharci darro ku tilmaamay go’aankii ka soo yeedhay golaha Guurtida Somaliland, waxaana ay tibaaxeen in aqalka Guurtidu aanay ixtiraamin go’aankii soo jeedinta komishanka doorashooyinka Somaliland.Hadalkan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeesan yahay guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee xisbiga Waddani, waxaana uu u dhignaa sida tan:-

“REF/XIS/WAD/XDH/2229/2015                                   Tariikh:15 May,2015

Xisbiga WADDANI Wuxuu Soo Dhaweynayaa  Tageerada Iyo is-kaashiga Ay BeeshaCaalamku La Leedahay Somaliland

Xisbiga WADDANI wuxuu soo dhaweynayaa tageerada beesha caalamka ee dhinacyada badan ee kala ah. 1.Taageerada Iyo Is-Kaashiga Dhinaca Amniga

  1. Taageeradadhinaca horumark3.Taageeradadhinacashaqo-abuurka

4.Taageerada dhinaca geeddi-socodka dimuqraadiyadda si loo xaqiijiyo doorashooyin xor oo xalaal ah  kuna dhaca xiligoodii.

Xisbiga WADDANI wuxuu aaminsan yahay  in dawga keliya ee loo mari karo hiigsiga  shacabka Somaliland ee aqoonsigu uu yahay la-macaamilka iskaashiga hufan iyo xidhiidhka suubban ee lala yeesho beesha Caalamka, xisbiga WADDANI wuxuu ka soo hor-jeedaa takooridda Somaliland laga takoorayo beesha Caalamka.

Xisbiga WADDANI wuxuu soo dhayaweynayaa dedaalka iyo fududaynta ay Beesha Caalamku ku hollinayso in xiisadaha iyo muranada siyaasadeed ee oogan lagu maareeyo wada-hadal, xiisada siyaasadeed  ee taagani waa mid ka dhalatay muddo-kordhintii golaha Guurtidu u samaysay madaxweynaha iyo golaha Wakiilada ee dhammayd 21ka bilood, taas oo xilliga doorashooyinka u riixdayMaaj 2017.

Golaha Guurtidu wuxuu dhegaha kafuraystay talo-bixintii xisbiyada mucaaradka ah iyo dareemmadii dadweynuhu ku taageereen soo–jeedintii guddiga doorashooyinka Qaranku ku cayimeen maalinta ay qaban karayaan doorashooyinka oo ku suntan 1June 2016ka, xisbiga WADDANI ma arko kumana qanacsana in loo bahanyahay 10bilood oo lagu kordhiyo muddada farsamo  ee sanadka ah  ee ay Guddida Doorashooyin ku cayimeen.

Xisbiga WADDANI wuxuu aad u danaynayaawada-hadallada  iyo gogosha  uu ku baaqay Madaxweyne ku-xigeenku,waxaanu Xisbigu Oggol yahay in laga wada-haddllo xiliga doorashada la qabanaayo iyo muddo-kordhintii golaha Guurtidu jideeyay.

Xisbiga WADDANI wuxuu diyaar u yahay in uu kaalintiisa ka qaato dedaal kasta oo lagu raadinayo samaha  iyo horumarka Somaliland, Xisbiga WADDANI wuxuu  qadarin doonaa baaqii beesha Caalamka  ee 13 May-2015 iyo wada-haddalladii dhexmaray Wakiilka EU-da  iyo dhammaan daneeyayaa shadoorashooyinka ee Somaliland  11-13 May 2015ka,ugu dambayntiiXisbiga WADDANI  wuxuuAad u qaddarinayaataageeradaaniyad-samida

ah  oo saamayntogankuleh  geeddi –socodkadimuqraadiyadeedee Somaliland”.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS