haatuf.net
Warancade Oo Sii Libin-Laabay Eedihii Iyo Dhaliilihii Uu Beesha Caalamka Hore Ugu Hujuumay: “Gaalka waxaanu Leenahay,YAAHUU!..YAAHUU!
May 17, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, 17 May 2015  (Haatuf) – Madashu waxay ahayd mid dhisme. Bartuna waxay ahayd Ambassador hotel. Lamaane is www.bradfordcsd.org calmaday ayaa udubkooda lagu taagay. Ardaa billan oo dhan kastaba bilicdiisa loo sugay buu ahaa. Geyaan isu soo geed fadhiistay ayaa camiray. Barnaamijkii baa la bilaabay, isla markaana daadihiyihii xafladda meherku wuxuu ku ibba furay hadalkii munaasibadaa, in ka hadalka siyaasaddu mamnuuc ka yahay xafladda.

Sababta digniintaa loo horaysiiyay, wax kale ma ahayn ee waxa kelifay jilayaasha siyaasadda Somaliland oo ka mid ahaa dadkii ka qayb galay kulankaa. Marka laga tago madaxda dhaqanka waxa goobtaa fadhiyay, Gudoomiyaha xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro, Gudoomiyaha kulmiye Muuse Biixi, Wasiirka Arr. Gudaha Cali Maxamed Warancadde, Wasiiru dawlaha maaliyadda Cismaan Saxardiid Caddaani iyo xubno kale oo bahda siyaasada ah. dhanka kale waxa ka qayb galay qaar ka mid ah salaadiinta beelaha, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Sul. Xasan Sul. Cabdillaahi, Sul. Yuusuf Xiiray iyo qaar kale. Haddaba arrimihii siyaasiga ahaa ee halkaa laysku waydaarsaday, wuxuu wargeyska Ogaal ka diyaariyay warbixintan;

Dooddii Muuse Biixi iyo Jawaabtii Salaadiinta

Inkastoo afeeftaa hore jirtay, haddana waxa madashaa hadheeyay laba arrimood oo qayb ka ahaa hadaladii siyaasiyiinta iyo salaadiintu halkaa ka jeediyeen. Mawduuca koowaad wuxuu ku saabsanaa salaadiinta iyo siyaasada. Qodobkan waxa hadalkiisa furay gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi, oo salaadiinta ku dhaliilay ku milanka siyaasadda. Muuse Biixi wuxuu tilmaamay in siyaasada lagu sheego wax xun, haddana faraha lagula wada jiro.  “Horta qoladayadan siyaasiyiinta ah haddii aad na cannaanataan, canaanta waanu ogolnahay, tuurtuuryadda waanu ogolnahay. Siyaasadu waa shaqo, haddana aad baa loo caayaa, sheekh iyo shariifna gacantaa lagula jiraa.  Haddii la eego warbaahinta Tv-ga iyo jaraaidka, bal siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka keebaa hadalkoodu ku badan yahay?. Madax dhaqameedku waa odayo sharaf leh, waa madax dhaqameedkeenii, waa Suldaamadeenii, waa boqoradeenii, waa ceeb ka saliim, balse iska ilaaliya ayaanay idin ceebaynine oo faraha ha la gelina siyaasada baan anigu idin odhan lahaa”.

Bogashadaa  Muuse Biixi waxa ka jawaabay qaar ka mid ahaa salaadiintii xafladdaa ka qayb galay. Sul. Yuusuf Xiiray oo ka mid ahaa madax dhaqameedkii ka hadal celiyayna wuxuu yidhi; “Waar idinku ha na keenina siyaasiyiintoow TV-ga.  Idinkaa na soo duubaya ee idinku TV-ga ha na keenina, hadaad marna na it's great! buy cialis online taataabataan, marna aad tidhaahdaan salaadiintii ayaa Tv-ga ku badan is qaban mayso, markaa  idinku ha na keenina, idinkaa dabada naga wadda,e. waxaanse leeyay aynu wax isla ogaano, oo xageena laga soo dhacaye aan shiro salaadiin ahaan, oo suldaanka guud baa shirka inoo qabanaya, oo halka aad nagu caasuunto ayaanu suldaan imanaynaa.”

“Gaalka Waxaanu Leenahay Yaahuu…”

Mawduuca labaad ee laysaga hadal celiyay madashaasi, wuxuu la xidhiidhay beesha caalamka ee wada shaqaynta la leh Somaliland. Waxa halkaa ka hadlay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, isla markaana badheedhahoodu wuxuu xambaarsanaa diidmo ay xukuumaddu ku fogaynayso macaamilka caalamiga ah ee Somaliland iyo saaxiibadda dunida. Hadalkoodu wuxuu muujinayay, go,doonka diblomaasiyadeed ee xukuumadda talada haysaa kaga jirto caalamka, isla markaana fariimahoodu waxay tusmaynayeen siday u kala durkeen xukuumadda iyo beesha caalamku. Weedhahooda waxa loo dhadhansaday cadho ka soo jeeda, caddaadiska caalamku ku saaray xukuumadda qabashada doorashooyinka iyo ka noqoshada mudda kordhinta siyaasiga ah ee la www.bradfordcsd.org sameeyay.

Masuuliyiinta xukuumadda ee arrintaa ka hadlay wax aka mid ahaa wasiirka daakhiliga Cali Warancadde, wuxuu yidhi;“Ilaahay xamdigii waxaynu ku noolnahay dal nabad ah, waxaynu dhisanay dawlad, waxaynu dhisanay nidaam aynu isu bedelno, waxaynu dhisanay waxaan khilaafba dhexdeena keeni karin, waxaynu dhisanay dariiq dheer oo nin waliba inuu qaado oo naftiisa ixtiraamo, oo uu bulshadiisa ixtiraamo oo nin walba la ixtiraamo oo maalin walba ninkii Ilaahay fadhiisiyo ee fadhiyaa la ixtiraamo, ka iman doonana ilayn dunidu way isbedelaysaaye la ixtiraamo weeye…” wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Meel wanaagsan ayaynu maraynaa oo caalamku wuu ina majeeranayaa, waxaan maqlayay gaalo iyo wax aynaan haabkaba ku haynin, waxaynu nahay dadka miiskaa wada fadhiya, oo waa kuwaa labadii Gudoomiye Cirro iyo Muuse Biixi dhinaca isku haya, markaa gaalka waxaanu leenahay yaahuu.” 

Wasiiru dawlaha Maaliyadda  Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa sidoo kale sii kabay hadalkaa Warancadde, waxaanuu yidhi; “Weligeen baa waxaynu caado u lahayn dhaqan ahaan in aynu waxeena xalilo. Waligeedba cid ajnabi ahi wax inoomay xalin jirin, waxaanan odhan lahaa wax kasta oo aynu isku haynaa  yaanay dhexdeena dhaafinoo, markaykanka iyo Eu-da aanay cid kale u gaynin. Somaliland siday xaaladeeda awalba u link for you buy cialis without a prescription dhamaysan jirtay haddii ay tahay Salaadiin iyo haddii ay guurti tahayba  aanay arrintu dhexdeena inooga bixin, waayo arrintaasi cawaaqib xumo ayay leedahay, dhulka ay soo galaan qolyahaasi cawaaqib xumooyin fara badan ayay ku reebtaa, ee sidii Somaliland  awalba wax loo xalin jiray haloo xaliyo.” Sidoo kale masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan oo uu ka mid yahay wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Cukuse oo aan iyagu joogin madashaa, ayaa iyana meelo kala duwan kaga hadlay arrintaa dhanka ka ah beesha caalamka.

Dabcan dooddaa masuuliyiinta xukuumadda kamuu madhnayn duur xul iyo maldah ay ula jeeddeen gudoomiye Cirro iyo xisbigiisa. Sidaa darteed, gudoomiye Cirro oo hadal kooban halkaa ka jeediyay, ayaa u dardaar werintaa beesha caalamka ee masuuliyiinta xukuumadda iyo qodobkii salaadiinta ku darsaday weedhan. “Horta Muuse mid waan ku waafaqsannahay oo Siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqameedka wax haw kala soocnaadan, midna Wasiir Caddaani baan odhanayaayoo, anaga xisbi ahaan wuu cad yahay mawqifkayagu,  wax kasta oo Somaliland u dan ah waanu ka shaqaynaynaa, qoladan Cadaani ka qayliyayna,  anagu sababi maynee yaanay xukuumadu sababin inay inoo yimaadaan.” Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Gunaanad

Dhawaaqyada noocan oo kale ah ee masuuliyiinta xukuumadda ka soo yeedhaya ee dhanka ka ah macaamilka beesha caalamku, waxa loo arkaa inay kordhinayaan oo keli ah dalkan aqoonsi raadiska ah oo sii go,dooma, Mana aha markii u horaysay ee beesha caalamku ay soo dhex gasho dhinacyada siyaasada Somaliland. Sanadkii 2009 waxay beesha caalamku ku dhexdhexaadisay  dhinacyada siyaasada Somaliland heshiis lix qodob ka koobnaa, kadib markii ay dhexdooda ka heshiin kari waayeen mucaaridka oo uu ugu waynaa xisbiga Kulmiye  iyo xukuumaddii Udub, kaasoo lagu qabtay doorashadii uu kursiga ku yimi madaxweyne Siilaanyo.Source:Ogaal

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS