haatuf.net
Madaxwayne Siilaanyo Oo Khudbadiisii 18-ka May kaga baaqay in Loo Hogaansamo Go’aankii Muddo-kordhinta Guurtidu U Samaysay
May 18, 2015 - Written by Admin Two

Manbar-kii Salaanta Oo C/raxmaan Aw Cali Mooyaane Aanu Ka Muuqanin Qof Kaliya Oo Ka Mid Ahaa Mujaahidiin 18 May Burco Kaga Dhawaaqay

 

Hargeysa, generic May 18, sale 2015 (Haatuf) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa khudbadiisii munaasibadda 18-ka May ee uu saaka ka jeediyey magaaladda Hargeysa kaga baaqay in loo hogaansamo go’aankii Golaha Guurtidu labbo-sanadood ku dhawaadka mudada ugu kordhiyeen, discount waxaanu isla markaa xisbiyada mucaaridka ku bogaadiyey aqbalaadii ay ajiibeen kasoo qaybgalka gogashii wada-hadalka ee ay xukuumadu fidisay.

Inkastoo uu Madaxwaynuhu khudbadiisan uu ku xusay gogasha ay u fidiyeen xisbiyada mucaaridka hadana wuxuu ujeedada laga leeyahay gogashaasi uu ku tilmaamay mid turxaan-bixin ah balse aan ahayn mid lagu falanqaynayo arrinta muddo-kordhinta ee muranka dhalisay.

Khudbadan oo laga dhadhansanayey in Madaxwaynuhu aanu raali ka ahayn isku dayga beesha caalamku ku raadinaysay xal u helida khilaafkan muddo-kordhinta ee Somaliland gudaheeda ka taagan ayaa Mr Siilaanyo waxa uu ka gaws adaygay in beesha caalamku dhex-dhexaadiso xukuumadiisa iyo mucaaridka, waxaanu ku  adkaystay in Somaliland isku-filantahay oo ay dhamaysan doonto arrimaheeda.

Axmed Siilaanyo isagoo arrintan ka hadlayana waxa uu is-barbar-dhigay oo uu sheegay in beesha caalamku aanay usoo gurman bad-baadinta wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia ee wakhti hore oo sanadkan ah burburay, kaas oo tibaaxay inay kusoo degdegaan inay soo faro-galiyaan markay Somaliland gudaheeda wax isku hayso.

Munaasibada 18-ka May oo ah maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday lasoo noqoshada madaxbanaanideeda 1991-kii ayaa waxa maanta looga dabaal-degay gobolada iyo degmooyinka dalka.

Caasimadda Hargeysa Madaxwayne Siilaanyo ayaa khudbadii munaasibada 24 guuradda kasoo wareegtay maalinta madaxbanaanida Somaliland ka jeediyey manbar laga dhisay Madaxtooyada horteeda, halkaas oo uu dabadeed salaan kaga qaatay cutubyo ka  tirsan ciidanka qaranka, bilayska, asluubta, ilaalada xeebaha, laanta socdaalka iyo qaybaha bulshadda rayidka ah sida ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada.

Waxa xusid muddan in dadka hareeraha ka fadhiyey madaxwaynaha ama wajiyadoodu manbarka salaanta lagu qaato ka muuqdeen aanu qofna kaga jirin mujaahidiintii 18 May 1991 kaga dhawaaqday magaaladda Burco marka laga reebo mujaahid C/raxmaan Aw Cali Faarax oo isagu meel cidhif ah ka fadhiyey manbar-kaasi, iyadoo uu madaxwayne Siilaanyo laftiisu wakhtigaas lagu dhawaaqayey gooni isku taaga Somaliland ku sugnaa magaaladda London ee uu degan yahay, halkaas oo uu xiligaa kasoo saaray qoraal ku baaqayey in Somalia oo ay Somaliland ka mid tahay lagu xukumo nidaam federaali ah.

Mr Siilaanyo ayaa ila hadda oo uu madaxwayne ka noqday dalkan aanay wali ka bixin cuqdadii uu ka qaaday ragii uga soo horeeyey ee u hugar baxay halgankii hubaysnaa ee SNM iyo hawlihii kala duwanaa iyo waliba madhnaanta kaalintii uu ku lahaa.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS