haatuf.net
Siilaanyo Oo Ka Hadli-waayey Halkay Ku Danbaysay Qadiyadii Ictiraafka ee Dadka Ku Waynayd Iyo Sababta Uu Uga Aamusay: Haatuf Staff Writer
May 19, 2015 - Written by Admin Two

Madaxwayne Siilaanyo ayaa khudbadiisii shalay ee xuska 18-ka May aan haba-yaraatee kusoo hadal-qaadin qadiyadii ictiraafka oo marka shacbiga reer Somaliland la eego ahayd arrinta ugu wayn ee ay xaqiijinteeda mudnaanta 1-aad siinayeen 24-kii sanadood ee u danbeeyey.

Madaxwaynuhu kamuu hadal qadiyadaasi dadka ku waynayd halkay ku dambaysay, viagra order waxa uu ka qabtay mudadii shanta sanadood ahayd ee uu xilka hayey iyo rajadda uu hadda ka qabaa inta ay leegtahay.

Halkii uu ictiraafka uu wax uun ka odhan lahaa Mr Siilaanyo waxa uu doorbiday inuu mawduucaasi ka boodo kol hadii ay isaga iyo caalamkii aqoonsiga laga naawilayey ay iskugu jirtaba. Dawladihii, ururadii iyo shaqsiyaadkii ku qanacsanaa xaqa ay Somaliland u leedahay inay aqoonsi ka hesho beesha caalamka ee aynu ku lahayn Afrika iyo caalamka kalaba ayaa baryahanba ay indhahoodu ka jeedeen dalkii Somaliland ee ay u haysteen inuu hayo wadadii saxda ahayd ee xukun-wanaagga ee haddii khilaaf soo kala dhexgalana ku xalin jirin wada-hadal iyo isu-tanaasul. Maynu lahayn macdano iyo shidaal aynu soo saarno oo la inagu daneeyo laakiin waxaynu indhaha iyo maskaxda caalamka kusoo jiidan-jirnay tijaabo dimuqraadiyadeed oo sanado dalkeena ka socotay oo lahayd saxaafad xor ah, doorashooyin xor ah oon dhiig ku daadan, nabad-galyo hoosta laga soo dhisay oo dadku ilaashadaan iyo markay wax dhacaan oo ay arrimahooda iyagu dhamaystaan.

Aduunku wuxuu odhan jiray Somaliland waxay jeexday jid-cusub oo muddan in Afrikada kale ay kaga dayato. Laakiin taasi hadda way soo gudhay oo maanta ictiraaf la helo daayoo Somaliland ayaaba loo arkaa meel kale oo Afrika ku taala oo intay dawlad-nimadii ka qaloocantay halkay ku danbayn-doonto la saadaalin-karo. Hore ayaa loo yidhi dalka siyaasadda gudihiisu xumaato ta dibadiisuna way xumaataa. Inay siyaasadii arrimaha dibadda ee Somaliland ay soo ootantay waxa u daliil ah siday xukuumadda-ni siyaasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaanba uga faa’idaysan kari wayday qaxootiga Somaliland kaga soo qaxaya Yemen. Waxaynu gaadhnay heer ah in shaqsiyaad aan dawladda meelna kaga qornaynin ay ina xukumaan oo waliba mudo kordhina loo sameeyo. Waa su’aale yaa aqoonsanaya dalka caynkaas ah?.

 

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS