haatuf.net
Xoggo Aan La Xaqiijin Oo Sheegay In Madaxtooyaddu Joojisay Waftigii Beesha Caalamka Ee La Filayey Inuu Barri Hargeysa Yimaado
May 19, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, impotent May 19, pills 2015 (Haatuf) – War aan wali la xaqiijin oo ay Haatuf u sheegeen ilo kala gadisani Madaxtooyadda Somaliland ayaa joojisay wafti beesha caalamka ka socda oo la filayey inuu Hargeysa yimaado barri-to si ay gacan uga gaystaan xalinta khilaafka ka dhex-taagan dhinacyada isku haya arrinta muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay madaxwaynaha.

Siday ilahaasi tibaaxeen, sale xukuumadda Somaliland ayaa fariin u dirtay Wakiiladda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaaladda Nairobi, taas oo ay ku wargalisay in imitaatinkooda wakhtigan aan loo baahnayn, balse xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridku ay ku filanyihiin inay arrimaha dhexooda iyagu dhamaystaan.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo muddo-kordhinta loo sameeyey ay muran iyo qas xoogleh ka abuurtay dalka ayaa khudbadiisii 18-ka May ee shalay kula taliyey mucaaridka inay u hogaansamaan go’aankii Guurtida ee labo-sanadood ku dhawaadka mudo-xileedkiisa loogu kordhiyey, taas oo meesha ka saartay gogashii wada-hadalka ee ay xukuumadu Sabtidii dhawayd ku dhawaaqday inay u fidisay mucaaridka si xal looga gaadho muranka ka taagan arrintan muddo-kordhinta.

Madaxwayne Siilaanyo khudbadiisii shalay waxa uu muddo-kordhintii loo sameeyey ku tilmaamay mid distoori ah oo aanu isagu wax faro-galin ah ku lahayn.

Dhinaca kale noomay suurtoobin inaanu xogta ku saabsan joojinta waftiga beesha caalamka ka xaqiijinno xukuumadda Somaliland oo dalka ka mamnuucday wargeyska Haatuf April 7, 2014.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS