haatuf.net
Cidii Talada Xukuumadu Ka Go’ysay Oo Ka Maqan Wada-Hadaladda Muxaafidka Iyo Mucaaridka: Haatuf Staff Writer
May 21, 2015 - Written by Admin Two

Wadda-hadalada xisbiyada mucaaridka iyo muxaafidka ee shalay galinkii hore ka furmay hotel Ambassador ee Hargeysa ayaa waxa ka maqnaa cidii dhabta ahayd ee ay taladda xukuumadu ka go’aysay, erectile waxaanay taasi muujinaysaa siday u adkaan-doonta amaba aanay suurta-gal u noqon-doonin in is-fahan waarra laga gaadho khilaafka ka taagan muddo-kordhinta labo-sanadood ku dhawaadka ah ee Guurtidu u samaysay Madaxwayne Siilaanyo.

Waayo tiimka (team) matalaya xukuumadu kama haysto ciday taladu ka go’do awood (mandate) uu wax kaga tanaasulo ama gorgortan kaga gali-karo go’aankii muddo-kordhinta ee Guurtida.

Xubnaha xisbiga Kulmiye ee doorkan wada-hadalada ku matalaya xukuumadu waa isla kuwii ka baxay heshiiskii saddexda xisbi-qaran ka wada gaadheen go’aankkii Koomishanka Doorashooyinka ee ahaa in doorashadda mudo sanad ah lagu qabto (june 1 2016­). Waa isla xubnihii guddoomiyaha UCID ee Faysal Cali Waraabe kaga baxay heshiiskii uu la saxeexday ee guddoomiyaha Waddani Mr Cirro-na diiday, kaas oo dhigayey in muddo-kordhintu noqoto sanad iyo shan-bilood ku dhawaad.

Kolkaas xataa haddiiba ay mucjiso dhacdo oo ay xubnaha matalaya xukuumadu ogolaadaan in dhawr bilood muddo-kordhinta laga dhimo, lama dammaanad qaadi karo inay meel-mari doonaan waxay aqbaleen.

Waayo go’aanka kama danbaysta ah cidkale ayaa iska-leh. Sababta gurmadkii haldoorka bulshadda rayid ah ee wax ku kala guntan jiray markay waxan oo kale dhacaan uu maanta uga maqan yihiin saaxadda maaha wax kale ee taladii dadku wada lahaa ayaa meel xun oo gurracan gashay.

Sidaas darteed halka hotel Ambassador laga tagayey waxay ahayd haddii la doonayo inay wada-hadaladu midho-dhal noqdaan in Madaxtooyadda la tago oo halkaas lagula xaajoodo dadka mididda daabkeeda gacanta ku haya ee taladda xukuumaddu ka go’do.

Wada-hadaladani in uun bay rajo leeyihiin inay natiijo lagu wada-qanacsan yahay kasoo baxdo waa haddii uu Faysal Cali Waraabe ku adkaysto in Mr Siilaanyo loo kordhiyo halkii sano ee Komishanku qabsaday. Haddii uu Faysal isagoon eegayn Mr Cirro-han uu isagu Faysal ahaan Ilaahay inta ka sokaysa soo saaray uu mawqifkaasi halka sano ah qaato oo uu xajisto. cidda mus-danbeedka u fadhida team-ka Kulmiye-na way is-dhiibi doontaa, Somaliland-na halkaasay ku kala bad-baadi-doontaa ee Ilaahay ha waafajiyo taladii Guuleed.

Subxaana Rabika.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS