haatuf.net
“Markii 2009-Kii Doorashada Lagu Murmay Waxa Uu Madaxweyne Siilaanyo Yidhi ‘Caalamku Hana Soo Dhex-Galo’ Maanta Haddii La Heshiin Waayo Caalamku Wuu Imanayaa”Guddoomiyaha Waddani Mr Cirro
May 21, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, check May 21, arthritis 2015 (Haatuf)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ahna Guddoomiyaha Golaha wakiillada Cabdira xmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro] ayaa sheegay in aanay in aanay jirin sabab xukuumaddu uga sasto in beesha Caalamku ka gar naqdo khilaafka Siyaasiga ah ee xilligan taagan, symptoms isaga oo tilmaamay in aanay waxba kaga soocnayn heshiiskii 6-da qoddob lagu xalliyey ee Caalamku dabada ka riixayay 2009-kii markii lagu muran sanaa doorashadii xilligaas oo Madaxweyne Siilaanyo ka sharraxnaa xisbigii mucaaridka ahaa ee KULMIYE.

Cabdiraxmaan Cirro oo habeen hore khudbad u jeediyey taageerayaasha xisbigiisa oo xaflad qayb ka ah dabaal-degga xuska 18-ka MAY ku qabsaday hotel-ka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu naqdiyey qorshe la’aan uu sheegay in ay xukuumadda ka hayso hagida siyasaasadda ictiraaf-raadinta Somaliland. Khudbadda Guddoomiyaha oo dhinacyo badan taabanaysay waxa uu ku bilaabay sidan:

“waa markii ugu horraysay Taariikhda Somaliland ee Axsaabta qaranku ay aqbaleen maalintii doorasho ee ay soo jeediyeen Guddida Doorashooyinka qaranka oo ah cidda Sharciyan waajibka qabashada, maamulka iyo cayimadda doorashada ay siiyeen Shuruucda Somaliland, waana markii ugu horraysay ee Axsaabta oo Kulmiye iyo xukuumaddu ku jiraan isku waafaqaan Maalin kaliya.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cirro, waxaanu intaa ku daray “2009-kii doorashadii madaxtooyada ee hore waxa ka dhashay khilaaf, waxana uu ka dhashay inaynu ku heshiin weynay maalintii Doorashada, nasiib wanaag iyadoo intaas oo dhami jirtey waxa loo gudbiyey Golaha Guurtida oo looga Baahnaa waxaas la isla wada oggol yahay ee umaddu isla waafaqday inay ansixiyaan, waajibka qabashada doorashda iyo cayimaddana waxa iska leh Guddada Doorashada.” Sidoo kale waxaa uu Cabdiraxmaan MAxamed Cabdillaahi ka hadlay go’aanka Guurtida oo uu sheegay in marar badan ay qaybaha bulshadu ka digtay khilaaf ka dhasha muddo kordhin aan marxaladda lagu jiro ku sallaysnayn oo goluhu qalinka ku duugay “Waxa Guurtida, Shacbiga, Beesha Caalamka iyo Madax-dhaqameedku uga digeen inaanu Goluhu khilaaf ka abuurin Somaliland, laakiin ayaandarro wixii laga digayey waa dhaceen, xukuumaddaana qiratay in go’aankii Guurtida khilaaf ka dhashay, waxana ay yidhaahdeen Gogol baanu dhignay.” Ayuu Md. Cirro yidhi waxaanu intaa ku daray “waxanu idiin sheegaynaa in Xisbigu go’aankiisii gaadhay, waana Go’aan aad ku faraxdaan, Go’aan Gudida Doorashooyinku ku farxaan ayaanu Gaadhnay, Go’aan Shacabku ku farxo ayaanu gaadhnay, Go’aan Beesha caalamku ku faraxdo, ayaanu gaadhnay. Gogoshaana lagu furfuri doonaa Haddii allah yidhaahdo.” “waxa dhaqanka xukuumadda ka muuqada inaanay kasbanaynin saaxiibo, laakiin ay luminayso saaxiibo, xukuumadduna inaanay lahayn qorshe siyaasadeed iyo qorshe ictiraaf waxa inoo caddeeyey madaxweyneheenna, Khudbadiisiina kelmadda ictiraaf la yidhaahdo kuma uu soo darin, waxana aanu ka codsanaynaa inay shacbiga usoo bandhigto qorshaheeda Ictiraaf raadinta.” Guddoomiyaha WADDANI waxa uu ka warramay baaq uu sheegay in Md. Axmed Siilaanyo intii aanu madaxweynaha noqon ee uu Mucaaridka ahaa u diray beesha caalamka 6 sanno ka hor, kaasi oo daarnaa xal u helida hoggaamintii xukuumaddii UDUB markii ay Muddo xileedkii Madaxweynuhu dhammaatay, waxanau yidhi “Madaxweyne Siilaanyo waxan xasuusinayaa 2009-kii Markii doorashada lagu murmay, siilaanyo waxa uu yidhi hannalla soo dhexgalo caalamku, Madaxweyne Daahir wuu oggolaaday, lix qoddobna waa la kala saxeexday, waana lixdii suurtogeliyey in doorasho la qabto oo madaxweyne Axmed Siilaanyo uu madaxweyne Noqdo. Berigaa ma qaranka la duminayey? Ma arrimaha dibaddee somaliland baynu farogelinaynay, maxayse maanta maalintii kaga duwan tahay, Haddii la heshiin waayo Caalamku wuu imanayaa”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS