haatuf.net
C/rashiid Xasan Mataan Oo Nasiib-Daro Ku Tilmaamay Habdhaqanka Wasiir Muhanad Kaga Horjoogsaday Maanta Madaarka Hargeysa Mar Ay Guddoomiyaha UCID Soo Dhawaynayeen
November 10, 2014 - Written by Admin Two

“Halkaas Ayaan Ka Lugeeyey Waxaanan Faysal Cali Waraabe Kula Kulmay Isaga Oo Warbaahinta Kula Hadlaya Dibada, ailment Milgihii Ay Lahayd Asxaabta Mucaaradku Xukuumadu May Siin”Musharaxa Madaxwayne Ku Xigeenka UCID

 

Hargaysa, November 10, 2014 (Haatuf) – Musharaxa madaxwayne ku xigeenka ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa nasiibdaro ku tilmaamay amar maanta wasiirka duulista Maxamuud Xaashi ku bixiyey inaan madaarka loo soo daynin madaxda UCID mar ay soo dhawaynayeen guddoomiyahooda Eng Faysal Cali Waraabe oo dalka kusoo guryo-noqday.

C/rashiid Xasan Mataan waxa uu sidoo kale fashilaad ku eedeeyey xukuumadda madaxwayne Siilaanyo oo uu ku naqdiyey habdhaqankeeda qalafsan ee ay la soo baxday mudooyinkii u danbeeyey. Waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayey barxadda hore ee madaarka Hargeysa. Ugu horayna isagoo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waa hubaal inuu culays jiro haday tahay deeq bixiyayaal iyo shacabka somaliland dhinaca doorashada,shacabka Somaliland afar sano ayay

xukuumada ka sugayeen cadaalada,umadu rajada kaliya ee ay qabaan waxa weeyaan doorashadu in ay xiligeeda ku dhacdo,waayo xukuumada waxa ku habsaday maamul xumo,musuq-maasuq,danaysi iyo iska hor keenka bulshada dhexdeeda ah,markaas wixii dal ku burburi jiray oo dhan ayaa ina hoos yaal hadii aanu ilaahay inaga bad-baadin.

Cabdirashii Xasan Mataan musharax ku xigeenka xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray “Saaka ayaa u danbaysay markaan soo dhawaynayay guddoomiyah xisbiga UCID Waa la iidiiday inaan gaadhi La galo,waxaana layga dhigay halka ay wasaarada ku taal, halkaas ayaan ka lugeeyey waxaanan Faysal kula kulmay isaga oo warbaahinta kula hadlaya dibada,milgihii ay lahayd asxaabta mucaaradku xukuumadu may siin,anaguna shacab ayaanu matalnaa wixii jirana waanu sheegaynaa.

dhinaca kale waxa uu ka hadlay warar sheegaya in ay xukuumadu madaarka cigaal ku wareejisay shirkado gaar ah waxaana uu yidhi.

“warkaas wali mahayo,lakiin waa wax dhici kara hadii ay noogu badinayso adeegyada madaarka,lakiin sida aynu uga baranay dhaqankan xukuumadu waa mid ku salaysan nin jeclaysi,waa hanaan ku dhisin cadaalad daro,una adeegaya bulshada qaar,waxaana laga rabaa xukuumadu in ay ku salayso arintaas tartan xaq ah.

sidoo kale musharax ku xigeenka xisbiga ucid waxa uu ka hadlay tabashadii madax dhaqmeedka awdal usoo gudbiyeen madaxwaynaha somaliland inuu wali sidiisii yahay waxaana uu yidhi.

“waxaad ka arkaysaan in aanay cadaaladi jirin xubnaha uu madaxwaynaha Somaliland u saaray tabashadii reer Awdal in ay ahayeen kuwii ay ka cabanayeen,halkaas ayay umada uga muuqataa,xukuumada madaxwayne Siilaanyo way ku fashilantay umada in ay cadaalada wax ugu qaybiso.

waxa uu sidoo kale canbareeyey labadii xildhibaan ee ka tirsanaa golaha deegaanka ee dagmada saaxil ee ilaalada wasiirka arimaha gudahu garaaceen waxaana uu arinkaas ku tilmaamay mid fool xun.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS