haatuf.net
Ku Dhaganaanta Xukuumadda Ee Muddo-Kordhintii Guurtida Oo Fashilisay Wada-Hadaladii Dhinacyada Siyaasadda
May 23, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, discount May 23, store 2015 (Haatuf) – Wada-hadaladii dhinacyada siyaasada ee isku hayey muddo-kordhintii laba-sanadood ku dhawaadka ahayd ee Guurtidu Madaxwayne Siilaanyo u samaysay 11-kii bishan ayaa maanta fashilmay ka dib markii ay xukuumadu ku adkaysatay in muddo-kordhintaasi ay sharci tahay oo aan laga noqon karrin.

Wada-hadaladan oo maalintii shalay ka furmay hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa dhinaca xukuumadda ku matalayey madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, buy guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa 1-aad Maxamed Kaahin, halka ay dhinaca mucaaridka uga qaybgaleen guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiyaha Waddani C/raxmaan Cirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada xisbi-mucaarid.

Siday ilo xogogaal ah oo arrimahaa u dhuun-daloola Haatuf ugu warameen, mawqifkan xukuumaddu ku adkaysatay go’aankii muddo-kordhinta ee Guurtida ayaa ahaa arrin lagu sii  gorfeeyey shir xalay madaxtooyada ka dhacay, kaas oo ay dhinaca xukuumaddu kaga tashanayeen waxay la golle tagi-doonaan markay wada-hadaladu dib u furmaan iyadoo sida la sheegay xubnaha shirkaasi kasoo qaybgalay ee go’aamiyey in aan laga noqonin muddo-kordhintii Guurtiddu ahaayeen guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Gaal, wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi, xildhibaan Cali Mareexaan iyo wiilka uu madaxwayne Siilaanyo sodoga u yahay ee Baashe Cawil oo isagoo Adis-ababa jooga shirkaas kaga qaybgalay khadka telefoonka.

Mawqifkan xukuumadda ee ku dhaganaanshaha muddo-kordhintii 22-ka bilood ahayd ee fashiliyey wada-hadaladii muxaafidka iyo mucaaridka ayaa waxa la filayaa inay ka dhashaan talaabooyin xayiraad iyo cuno-qabatayn ah oo ay beesha caalamku kusoo rogto qaar ka mid ah masuuliyiinta Somaliland.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS