haatuf.net
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Loo Magacaabay Prof. Aadan Xaaji Cali
May 24, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, ampoule May 24, order 2015 (Haatuf) –  Madaxwayne Siilaanyo ayaa goor dhawayd Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland u Magacaabay Aaden Xaaji Cali Axmed.

War-saxaafadeedka lagu shaaciyey Magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo nuqul ka mid ah Haatuf helay ayaa isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:-  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3319/052015  uu ku magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:  Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;

Markuu Aqoonsaday:  Baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Markuu ku Qancay:  Kartidiisa, ed aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Isku Qanciyey:     In uu hanan karo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Wuxuu Go’aansaday

In Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS