haatuf.net
“Laba Sano Oo Anaga Naloo Kordhiyey Waxay Keeneen Necbaansho, Waana Sababta Uu Kulmiye Ku Yimi “Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin
May 25, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, bronchi May 25, view 2015 (Haatuf) – Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay dib-u-dhaca Doorashooyinka dalka ka qorshaysnaa iyo muranta arrintaas ka dhashay oo haatan xaaladda waddanka si weyn u hadheeyey.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo maanta qaarka mid ah saxaafadda kula hadlay xarunta Golaha Wakiillada, ayaa tilmaamay in Doorasho la qabto ay kamuhiimsan tahay Diiwaangelin midho dhal ah oo waddanka laga hirgeliyaa, waxana uu intaas ku daray in Diiwaangelin marka la helo ay fududaan doonto in doorasho waddanka ay ka dhacdaa,

“Aniga Doorashada waxa igala muhiimsan Diiwaangelinta, aasaaska Doorashaduna waa Diiwaangelinta, aniguna waxan odhan lahaa mucaaridku haku tuntuunsado Inay dhacdo Diiwaangelin rasmi ah oo xalaal ah, marka taas la helo doorashada waa la qaban karaa.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata xusay in muddada haatan lagu muransan yahay iyo farqiga jiraa aanu ahayn wax buuq weyn loo abuuro, waxana uu soo jeediyey in laga Wada hadlo muddada Hadhsan Hadii Shaki uu jiro, waxana uu yidhi,

“waxa la isku hayaa waa shan bilood, wax waddanka khalkhal loo geliyana uma arkaa Shantaas bilood, waxana aan qabaa in laga wada hadlo, oo haddii masalan ay ka shakisan yihiin xukuumadda inaanay doorashada wakhtigaas ku qabanayn in maanta la isweydiiyo haddii doorasho muddadaas ku qabsoomi weydo.”

Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland, waxa uu sheegay in Muddo-korodhsi kasta oo yimaadda ay ka dhalato Necbaansho xagga umadda ahi, isla-markaana dibu dhacu uu faa’iido u yahay Mucaaridka,

“laba sano oo annaga naloo kordhiyey waxay keeneen necbaansho, waana sababta uu Kulmiye ku yimi, Xukuumaddana waxan odhan lahaa Haddii uu degdegayo mucaaridku Halla qabto Diiwaangelin Bilaa diiwaangelin ah. Tan maanta joogta ayaana heli doonta.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS