haatuf.net
“Baqashu Ma Dhasho Wax Dhalana Ma Jecla, Ma Aqaan Lakiin Saleebaan Gaal Nin Yaqaan Baa Ii Laqimay Maalin Aan Maanta Ahayn. Ilayn Ninku Waa Ninkii Berigii…..”Guddoomiye Ku Xigeenka 3-Aad UCID Cali Gurey
May 30, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, click May 30, pills 2015 (Haatuf) – Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa weedho kulkulul ku duray guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo uu ku tilmaamay masuul aan waligii wanaaga Somaliland ka shaqaynin. Waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kaas oo isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Ma aqaan lakiin Saleebaan Gaal nin yaqaan baa ii laqimay maalin aan maanta ahayn. Ilayn ninku waa ninkii berigii halganka hadii lala soo qaado SNM samboorku ku kici jiray. Isaga iyo Jaamac Maxamed Qaalib ba waxay ahaayeen laba wasiir oo ku wada jiray xukuumadii Siyaad Barre wakhti uu Madaxwayne Silanyo isaguna ahaa hogaamiye jabhadeedka ee uu Gudoomiyaha u ahaa SNM.

Wakhtigaa labada wasiir umay sinayn SNM iyo gudoomiyaha SNM oo Jaamac Maxamed Qaalib wuxu halkiisa ku ahaa Mujaahid SNM ah oo kaalintiisa uu qirsan yahay in badan qiray hogaamiyihii SNM ugu mudada dheeraa waa Madaxwayne Silanyo eh. Maan maqal Jaamac oo sheeganaya ama ku faanaya taariikh halgameed kiisa aan wax badan ka maqlay isaga oo qiraya gudoomiyihii ugu mudada dheera SNM. Inta badana wuxu xusuusan jiray marka agtiisa lagu soo qaado Saleebaan Gaal oo halka uu Jaamac ka ahaa halgamaaga isagu ahaa kabo qaad midiidin u ahaa Siyaad Barre. Ha iska ahaado midiidin eh wuxu kaga darnaa cayda,quudhsiga, haaraanka iyo weliba yasidda SNM iyo gudoomiyaha SNMba wakhtigii uu socday halgankii dibu xoraynta Somaliland. Sida aan xogogaal badan ka hayo Saleebaan Gaal wuu necbaa oo wuu ka soo horjeeday halgankii hibaysnaa ee ururka SNM uu hogaaminayay. Axmed Silanyo oo ahaa gudoomihii ugu mudada dheer SNM wuxu ku colaadin jiray kaalintiisa hogaamineed ee halganka uu kaga jiray isaga oo u arkayay inu yahay nin gudcur gudaya oo indho la’ caqlina aan lahayn. Hadii lala soo qaado SNM hadalada sida yasidda iyo quudhsiga leh uu u odhan jiray ee laga guntay waxa ka mid ahaa kuwan:

“WARYADAHEEN INAMADAN YAR YAR EE QORIGA LA ORDAYA EE AXMED SILANYO WAALAY WAXBA IDIN TARINAAYAANE YAY IDIN WAALIN EH HA RAACINA”

“SNM WAA QABIIL EH MA QABIIL BAA QARAN WAX YEELI KARA. QORIGAN YAR EE AKAAGA AH BAY DHUL KU QABSAN CAQLIGA MA GELI KARTAA”

Intii halganku socday Saleebaan Gaal waxay u ahayd dagaal qaawan oo ka dhan ah SNM iyo hogaamiyaheeda Axmed Silanyo. Tan iyo wakhtigaasi xidhiidhka labada oday muu fiicnayn.

1990kii ayaa Saleebeen wuxu soo raacay ergadii reerkiisa uga qaybgelaysay Shirwaynihii 5aad ee SNM oo aynu ogayn sida uu uga soo horjeedi jiray. Waxa ka sii daran Saleebaan wuxu ogolaaday in isaga daraadii loo jebiyo xeerkii ururka SNM oo uu bil qasab uga mid noqdo Golihiisa Dhexe isaga oo ogaa in aanu xaq u lahayn laakiin markii ay noqotay in beeshiisu shirka ka dareerto iyo in loo ogolaado inu galo Golaha Dhexe ay xaaladii jirtay awgeed la door biday in la tixgelyo go’aanka ergada reerka oo loo ogolaado inu ka mid noqdo Golaha Dhexe. Saleebaan Gaal isaga oo og in aanu buuxinayn shuruudaha xubinimada Golaha Dhexe ayuu hadana ogolaaday in jujuub uu ku galo Golaha Dhexe oo isaga daraadii loogu xadgudbo Dastuurkii SNM. Waxa is waydiin leh goorta nacaybkii SNM uu ka baxay iyo goorta uu jacaylka SNM uu galay ee sidaa u jeclaaday, hadiiba ay jirto inu jeclaaday muu jeclaan eh,

Saleebaan Gaal markii guul aanu waxba ku darsan sidaa loogu waabay wuxu maalin taaba guntaday keligii inuu geesi yahay. Axmed Silanyo oo halkii isaga loogu cumaamaday xilkii hogaaminta SNM ku wareejiyay wuxu u qaatay fursad isaga u dagantay oo wuxu isu dhigay inu noqday siyaasiga beesha uu ka soo jeedo taas oo markaana uu hankiisu damcay in xataa gudoomiyihii xilka ka degay ee Axmed Silanyo ay tahay inu isaga ku daba fayli doono lakiin taasi may dhicin. Sidaa daraadeed ayuu Saleebaan Gaal u arkay in cadowgiisa koobaad ee aiyaasaddu uu yahay Axmed SiIlaanyo”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS