haatuf.net
Yaan Laysku Khaldin Saddexda Xisbi-Siyaasadeed Iyo Awoodaha Hay’adaha Qaranka Somaliland Leeyihiin!!!; Faallo Naasir Aadan Maxamed (Nawaa)
May 30, 2015 - Written by Admin Two

 

Intii uu bilaabmay murankii ku saabsanaa muddo-kordhintii ay Guurtidu xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo u samaysay 11-kii bishan ayaa waxa dhagaheena kusoo duulayey erayo kasoo baxayey hogaamiyeyaasha asxaabta siyaasadda oo ay ku sheeganayaan awoodo qaran oo anay sharciyan lahayn.

Qaabka ay masuuliyiinta asxaabtu uga hadlayeen khilaafkaasi ka dhashay muddo-kordhinta ayaa mararka qaarkood ahaa mid laga dhadhansan karayey inay xisbiyadu is-bideen awood ka saraysa ta ay leeyihiin hay’adaha qaranka Somaliland u dhisan sida Golaha Guurtida oo distooriyan ah hay’adda sharci-dajineed ee u saraysa. Axsaabtu waxay u hadleen sidii oo xalkii ay ku heshiiyeenba sharci-noqonayo oo ay khasab tahay in qaranku qaato.

Run ahaantiise axsaabta siyaasadu kama tirsana hay’adaha (institutions) qaranka Somaliland leeyahay. Xisbigu wuu baabi’i karaa sidii UDUB oo xisbi kale ayaa meeshiisii soo gali karra sida Waddani. Hadii uu sii jirayo iyo hadii uu saaxadda ka baxayo-ba waa shaqo u taala madaxda xisbiga iyo taageerayaashiisa oo kolba ku xidhan dadaalkooda iyo dadaal la’aantooda.

Maaha markii ugu horaysay ee axsaabta siyaasadu qas iyo muran ina galiyaan oo uu  shacbigu u dulqaato. Inkastoo 15 sanadood kasoo wareegeen markii la fasaxay axsaabta siyaasadda, therapy haddana waxaad arkaysaa inaanay wali korin oo ay marar badan caqabad-ba ku noqdaan in siyaasada Somaliland horumar samayso. Laakiin axsaabta siyaasadda waa loo baahan yahay, generic waana mashiinka aynu ugu talo-galnay inaynu u adeegsano geedi socodka tartanka siyaasadda. Balse waxa loo baahan yahay inaynu dib ugu noqono xeerarkii asxaabta iyo doorashooyinka si loo hagaajiyo (reform) nidaamka axsaabta- badan ee aynu samaynay si ay axsaabtu sidan si dhaanta ugu shaqeeyaan oo ay siyaasada u horumariyaan.

Guurtidu waxay ahayd oo seegay inay badsato wada-tashiga, kuna degdegin muddo-kordhintii 22-ka bilood ahayd ee ay iclaamisay. May haboonayn inay maslaxadda xukuumadda uun eegto ee waxay ahayd inay ta mucaaridkana tixgaliso oo ay meel dhexe  go’aankeeda qabadsiiso. Iyadoo ay sidaasi tahay waxaanu muran ka jirin in go’aankii ay gaadhay yahay mid sharci ah oo aanay axsaab, xukuumad iyo garsoor toona awood u lahayn inay wax ka badalaan. Aasaa-sayaashii Somaliland ayaana sidaa jideeyey markii ay distoorka ku xardheen awoodaha uu golaha guurtidu uu gaarka u leeyahay.

Axsaabta iyo madaxtooyadda ayaa laftoodu khalad sameeyey markay iyagoon cid kale kala tashan ku heshiiyeen in doorashada la qabto December 2016-ka, iyadoo markii ay kala saxeexanayeen heshiiskaasi uun guurtida loo yeedhay. Qaybaha kale ee bulshadda iyaga marnaba lagama talo-galiyo hawlahan oo kale, taas oo ay ugu wacantahay caqliyada ay ku dhaqmaan madaxda dawladda iyo axsaabtuba oo ah tii jiri-jirtay cahdigii Kacaanka Hanti-wadaaga Soomaaliyeed. Guurtida wax badan ayaa ka khaldan, taas oo u baahan in la saxo, waxaana daruuri ah in dib loogu noqdo shaqadii aynu guurtida u dhiibanay waxay ahayd, isla markaana meel la isla dhigo hay’addan dhismaheeda, awoodaheeda, shuruudaha  lagu xidhayo xubin-nimadeeda iyo nidaaminta qaabka loo dooranayo ee ku salaysan dhaqanka (traditional pastoral democracy) laakiin in la iska yidhaahdo guurtida ha la baabiiyo waa burburin (nihilism) nacasnimo ku dheehan tahay, waana la ogyahay in cida guurtida hay’ad ahaan (institutionally) u necebi ay jiritaanka Somaliland-na neceb tahay.

Maxaan u baabiinayaa waaban u baahanahaye?. Haday guurtidu hagaastay saw boodhka lagama tumi karro. soota aynu ogayn inay inoo tahay marjaca ugu danbeeya  ee aynu aakhirka ku kala baxno. Guriga Somaliland saqafkiisu waa guurtida ee aan hagaajisano. Axsaabta siyaasaduna yaanay is-bidin awood aanay lahayn isla markaana ha ogaadaan in nidaamka aynu qaadanay aanu ahayn kii lagu dhaqmi-jiray xiligii shuuciyadda ee awooda xisbigu ka sarayn jirtay ta xukuumadda, sharci-dajinta iyo garsoorkaba.

Faallo: Naasir Aadan Maxamed (Nawaa).

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS