haatuf.net
Xafladii Haamaha Berbera Ka Socotay Oo Lagu Soo Bandhigay Riwaayad Lagu Af-lagaadaynayo Saxaafadda Somaliland
May 31, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, asthma May 31, asthma 2015 (Haatuf) – Waxa Haamaha shidaalka ee magaaladda Berbera ka socota xaflad loogu talo-galay in lagu marxabaysiiyo Madaxwayne Siilaanyo oo uu soo abaabulay wiilka uu soddoga u yahay ee  Baashe Cawil, sales iyadoo ay goordhawayd dhamaatay qayb ka mid ah xafladaasi oo ahayd riwaayad si xun loogu af-lagaadaynayo saxaafadda xorta ah ee Somaliland.

Riwaadan ayaa waxa jilayaal ka ahaa fanaaniin ay dawladu kasoo kiraysatay barriga Burco, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen labada nin ee la kala yidhaahdo Sooraan iyo Jawaan iyo haweenay la matalaysay riwaayadaasi. Munaasibadaas ayaa sida la sheegay waxa loo qabtay si loogu maaweeliyo Madaxwayne Siilaanyo oo todobaadadii u danbeeyey uu culays badani ka haystay murankii ka aloosmay muddo-kordhinta iyo waliba walwal kale oo kaga soo kordhay mawqifka Golaha Guurtidu qaateen ee ay ku diideen inay ka noqdaan go’aankoodii hore ee ay muddo-xileedka Madaxwaynaha ugu kordhiyeen 22-ka bilood, taas oo keentay in madaxwaynaha loo qabto si uu uga nasto duufaanada siyaasadeed ee ku habsaday.

Xiligii ay riwaayadani socotay Madaxwaynaha ayaa u muuqday qof maqan oo aan la soconinba arrimaha ay ka hadlaysay ee lagu soo bandhigay, halka ay marwadiisa iyo wiilka uu soddoga u yahay laga dareemayey qosol badan oo muujinaya inay ku nafisayeen cayda iyo aflagaadada qaawan ee ay Sooraan iyo Jawaan kula gal-gasheen warbaahinta madaxabanaan ee Somaliland iyo guud ahaan suxufiyiinta dalkaba.

Sidoo kale labadan jilaa ee SOORAAN iyo JAWAAN oo dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Madaxwayne Siilaanyo ayaa mudooyinkii u danbeeyey ku caanbaxay  oo u ban-baxay difaacista danaha xukuumadda, xataa markay sharciyada dalka dar-jiidho, iyagoo lacago badan oo lagu  naas-nuujinayo lagu siiyo si ay u alifaan riwaayado iyo barnaamijyo lagu majaro habaabinayo xaqiiqooyinka dhabta ah ee dalka ka jira.

Dhinaca kale Xafladan oo wali si toos ah u socota waxa qandaraas lagu siiiyey baahinteeda HCTV.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS