haatuf.net
Badhasaabkii Gobolka Saaxil Oo Xalay Abdaal U Hoyday Ka Dib Markii Madaxtooyada Laga Soo Canaantay
June 16, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, viagra June 16, buy 2015 (Haatuf) –  Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa xalay u hoyday  degmadda Abdaal ka dib markii madaxtooyada laga soo canaantay, kaas oo lagu maagay  inaanu waxba ugu filayn xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye-ba maadaama oo ay maalmihii u danbeeyey xisbiyada mucaaridka ku biirayeen siyaasiyiin miisaan culus leh oo ka soo jeeda gobolka Saaxil, kuwaas oo iyaga iyo taageerayaashooduba kasoo goostay xisbul-xaakimka Kulmiye.

Siyaasiyiinta kasoo goostay xisbiga talada haya ayaa waxa ugu danbeeyey siyaasiga Axmed Like iyo dad badan oo dhalinyaro iyo haween iskugu jira oo taageersan oo si rasmi ah ugu biiray todobaadkan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Sidoo waxa la filayaa inay maalmaha soo socda labada xisbi-mucaarid ku biiraan masuuliyiin calculus oo kasoo jeeda gobolka Saaxil, kuwaas oo sida la sheegay uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isaga iyo taageerayaashiisa gaar ahaan kuwa dega jiida Abdaal ay ku biiri doonaan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Dhaqdhaqaaqyadan cusub ee ay mucaaridka ku taageerayaan siyaasiyiinta iyo shacbiga gobolka Saaxil ayaa cabsi iyo warwar ku abuurtay madaxtooyadda, taas oo sida xogo aanu helnay tibaaxeen ay xukuumadda Siilaanyo iyo xisbigeeda Kulmiye-ba u arkaan guul-daro qarro-wayn oo lasoo daristay wakhtigan bulshadu quusta ka joogto.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS