haatuf.net
Madaxwayne Siilaanyo Oo Barrito U Dhoofaya Adis-ababa Iyo Waji-gabaxii Ku Dhacay Maalintii Dhawayd Ee Ay Ethiopia Soo Mareen
June 20, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, allergy June 20, 2015 (Haatuf) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inuu barito u socdaalo dalka Ethiopia, ka dib markii ay wadhi ka raacday maalintii dhawayd ee waftigii uu hogaaminayey markii ay kasoo noqdeen booqashadoodii Imaaraadku ay Adis-ababa soo mareen si ay ula kulmaan madaxda Ethiopia, balse loo sheegay inay ku wada maqan yihiin dalka Koonfur Afrika oo xiligaa uu ka socday shir-madaxeedkii Ururka Midawga Afrika.siilaanyo1

Hadaba socdaalkan Madaxwaynaha ee bari oo lagu danba-basayo waji-gabaxii todobaadkii hore ka qabsaday socdaalkoodii ay qorshe la’aanta ku tageen magaaladda Adis-ababa, ayaa sida la sheegay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland dib ula xidhiidhay dhigooda dalka Ethiopia, taas oo hadda u muuqata inay dhinaca Ethiopia ka heleen balan ay kula kulmaan madaxda sarsare wadankaasi.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS