haatuf.net
Xogo-Cusub Oo Laga Helay Dilkii Shalay Ka Dhacay Magaaladda Hargeysa Iyo Askarigii La Dilay Oo La Sheegay Inuu Dhirbaaxay Ninka Wax-dilay Xaaskiisa
June 22, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, capsule June 22, 2015 (Haatuf) – Sida ay sheegeen dad xogogaal ahi ninkii shalay xaafadda Cabaaye ee magaaladda Hargeysa ku dilay Alle ha u naxariistee askarigii ciidanka bilayska ka tirsanaa ayaa la sheegay inay soo dacweeyeen Ilma Faarax Xarbi oo sida la sheegay ku lahaa lacag buskud oo dhan $20,000, kaas oo uu ninka dilka gaystay sida xogahani tilmaameen uu kula dooday in buskad dhacay ay ka iibisay shirkadda Xarbi, isla markaana codsaday in lacagtaas wax laga daayo maadaama oo sida uu ku dooday uu ku khasaaray buskudkaas.

Sidoo kale dhacdadan oo shalay galinkii hore ka dhacday magaaladda Hargeysa ka dib markii laba askari iyo nin ka socday maxkamadda gobolka oo sida la sheegay siday saman loogu yeedhayo ninka dilka gaystay ayaa markii ay gurigiisa gaadheen ee ay albaabka garaaceen ayna ka furtay xaaska ninka wax dilay, taas oo ay murmeen askarta oo jiidhay haweenayda gurigaas leh, taas oo sababtay in sida ay dad goob-joog ahi tibaaxeen in askarigii dhintay uu dhirbaaxay xaaska ninka dilka gaystay, taasina ay keentay in ninkii oo cadhaysan intuu gurigiisa qol ka mid ah qori kala soo baxay uu rasaas ooda kaga qaaday askartii, isla markaana uu halkaasi ku dhintay hal askari oo isaga sida la sheegay dhawaan la qarameeyey, halka uu kii kalena ku dhaawacmay rasaastaas oo wakhtigan lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.

Dhinaca kale sida ay xuseen xogahan cusub samanka lagu qabanayey ninka dilka gaystay ayaa isagu ahaa mid dhacsan, iyadoo xogahaasi intaasi ku dareen in baabuurka ay wateen labada askari iyo ninka maxkamadda ka socday ay lahayd shirkadda Shirkadda Al-Xamarbi.

Balse ciidanka bilayska 24-kii saacadood ee u danbeeyey raadinayey ninka dilka gaystay ayaan wali ku guulaysan inay gacanta kusoo dhigaan ninkaasi, iyadoo aanu wali taliska boolisku ka hadlin dhacdadaasi naxdinta badan oo labadii maalmood ee u danbeeyey lagaga hadlayey dhamaan goobaha ay bulshadda caasimadu iskugu timaado oo dhan.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS