haatuf.net
Saska Ka Haya Saxaafada Dalkiisa Oo Siilaanyo Ku Kaliftay Inuu Wiil Uu Adeer U Yahay Uga Yeedho Norway Si Uu Wariye Gaar Ah Uga Dhigto
June 23, 2015 - Written by haatuf

Hargeysa, bronchi June 23, 2015 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhawaan wiil uu adeer u yahay oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Jaamac uga yeedhay dalka Norway si uu u noqdo wariyihiisa gaarka ah.
Wariyahan cusub oo markii ugu horaysay Madaxweynaha u sii raacay booqashadii uu todobaadkan ku tagay dalka Ethiopia ayaa hadal uu ka duubay Mr Siilaanyo markii uu ka soo baxay kulan uu Addis Ababa kula yeeshay Raysal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn aan ka tafatirin erayo aan sax ahayn oo uu Madaxweynuhu ku tiraabay sida magaca xilka uu hayo hogaamiyaha Ethiopia oo kale oo Mr Siilaanyo uu ku sheegay ‘Madaxweyne’ halka ay sax ku ahayd ‘Raysal Wasaare’.
Waayo jagada Madaxweynaha dawlada Ethiopia waxa haya masuul kale. Waxa kale oo uu wiilkan uu Madaxweynuhu wariyaha gaarka ah ka dhigtay seegtay inuu warka uu soo duubay ka tafatiro muuqaalka wasiirada Madaxweynaha la socday ee intay borotakookii jiidheen kala hororsanayey salaanta Mr Hailemariam Desalegn.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa shantii sanadood ee uu xilka hayey aan marna shir jaraa’id ama waraysi gaar ah kula kulmin Saxaafada dalkiisa, marka laga reebo hadal kooban oo halmaan iyo hag-hago badani ku jirto oo uu ka jeediyo qolka martida ee madaarka Hargeysa marka uu socdaal dibadeed u baxayo ama ka soo noqdo oo siduu ugu celcelinayey ay hada dadka iyo wariyeyaashuba dusha ka xafideen mooyaane, waxa Madaxweynaha ku adkaatay intuu si xor ah u soo hor fadhiisto warbaahinta dalka ogolaadona in su’aalo ay waydiiyaan sidii madaxdii Somaliland ee horeba ay samayn jireen amaba sida u dhaqan ahba madaxda caalamka marka wakhti la joogaba ay la kulmaan saxaafada dalalkooda taas oo xataa ay ku dhaqmaan hogaamiyeyaasha kalidii taliyeyaasha ahiba.
Saxaafada maxaliga ah ayaa taabagalka dhaqankan xun lug ku leh markay ka badheedhi wayday inay kor u sheegto sababta uu Madaxweynuhu uga sasayo warbaahinta dalkiisa taas oo aan run ahaantii cidna ka qarsoonayn oo hoos loo wada ogyahay in Madaxweyne Siilaanyo aanu caafimaad ahaan badd qabin oo uu ka cabsi qabo inuu wax isdhaafdhaaf ah ku hadlo hadii lagu sii daayo wariyeyaasha matala saxaafada madaxabanaan.
Siilaanyo kadeedkan uu kolba kala kulmayo salaantan ciidan ee uu qaadanayo markastoo uu safar u baxayo ama ka soo noqonayo sidii madaxdii dawladihii Shuuciyadda iyo waliba saxaafadan loogu xaraynayo qolka VIP-da iyadoo hadana aanu ogolayn inay wax su’aasho, waxa malaha u dhaami lahayd inuu sida madaxda caalamka sawaxan la’aan iyo salaan la’aan uu ku soo noqdo, inkastoo dayrtan uu saxaafada ka qabo ee uu xilqarsiimada kaga heli jiray aanay ahayn mid sii soconaysa ama wiil uu adeer u yahay Norway ha uga yeedho ama Dhuxul, Cukuse, Wasiirka Duulista iyo Cali Warancade ha isku xeero marka uu qolka VIP-da soo galo’eh.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS