haatuf.net
“Madaxweyne Marna La Kicinayo, Marna La Fadhiisinayo Dalkan Lagu Aamini Maayo”Guddoomiye Ku Xigeenka 1-Aad Ee Xisbiga Waddani
June 27, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, doctor 27 June 2015 (Haatuf)- Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Axmed Muumin Seed, health ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aan lagu aamini karin talada dalka, allergist islamar ahaantaana Madaxweyne Siilaanyo looga fadhiyo in uu ku dhawaaqo wakhtiga doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka laga qabanaayo dalka,  waxaana uu tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo loo doortay mas’uuliyada qaranka iyo in uu dalka ka hir-galiyo doorashooyin ku qabsooma wakhtigoodii.

Axmed Muumin Seed, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka soo degay Madaarka Cigaal ee Hargeysa ka dib socdaal uu in muddo ah ugu maqnaa dalka Jabuuti, waxaana uu ugu horeyn uu faah faahin ka bixinayaa u jeedada socdaalkiisii, isaga oo tilmaamay in uu arrimo shakhsi ah uu ugu maqnaa dalka Jabuuti.

“Aad ayaan ugu mahad-celinayaa runtii madaxda Xisbiga Waddani ee madaarka Hargeysa igu soo dhaweysay, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, runtiina muddo yar oo kooban ayaan dalka ka maqnaa, mudadaas yar ee aan maqnaana arrimo shakhsi ah ayaan ugu maqnaa dalka Jabuuti ee aynu jaarka nahay, walaalahana nahay, xidhiidhka wanaagsana uu innaga dhaxeeyo, si wanaagsan oo qiime lehna waa uu iigu soo dhammaaday.”.Ayuu yidhi Md.Axmed Muumin Seed.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Md.Axmed Muumin Seed, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu ka hadlay heshiiskii dhawaan ay xisbiyada iyo Xukuumaddu ka gaadheen khilaafkii muddo kordhinta, waxaana uu carabka ku dhuftay in ilaa hada aan laga ranayn meesha uu heshiiskaasi ku danbeeyey, isaga oo sida oo kalena Madaxweynaha ugu soo jeediyey dhaliilo aad u xooggan.

“Runtii waxaad ogtihiin oo aynu leenahay waa Xeer iyo Distoor, waxa innoo sharci ah in si sharci ah shantii sannaba mar loo doorto Madaxweyne si xaq ah loo doorto oo shicibku u coddeeyaan, runtii Madaxweyne Siilaanyo shan sanno ayaa la doortay, si sharaf iyo karaamo ku jirta ayaa ay reer Somaliland ku codeeyeen, doorashadii shanta sanno ahayd ee Madaxweynaha dalkan loogu doortayna maanta waa ay dhammaatay, waxaa aan aad iyo aad uga xumahay oo nasiib darro ah in annaga oo eegayna shicibkayaga reer Somaliland iyo danaha shicibkayaga, waxaa aan isagu nimi wada-hadal Xukuumadda iyo sadexda Xisbi qaran, wada-hadalkaasina mar waa uu dhici soobay, marna Madaxtooyada ayaa aanu isagu nimi, markaa labaad ee aanu madaxtooyada isagu nimi, waxaan sii xasuusanahay in madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland iyo wasiirka Madaxtooyadu, waxaa ay ku dhaaranayeen maalintaa heshiiskii u danbeeyey magaca Illaahay in ay daacad ka yihiin oo ay oofinayaan heshiiskaas, Madaxweynahana ay ka wada socdaan oo aanay khiyaamaynayn heshiiskaas, sidii ayaanu annagu dhaartii Illaahay ku aqbalnay”.Ayuu yidhi Md.Seed.

Md.Axmed Muumin Seed oo ugu danbeyntii hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaana aanu taas u aqbalnay ergooyinkii ka yimi bariga iyo galbeedka Somaliland, cuqaashii, wax-garadkii, salaadiintii iyo dhammaanba bulshada qeybaheeda kala duwan ee dhinaca na haystay, waana aanu aqbalnay runtii, sidii ayaana aanu ku saxeexnay. Heshiiskii halkee ayaa uu maanta ku danbeeyey oo uu marayaa, ilaa imika madaxweynahu ma uun san hadlin, waxaad arkaysaa madaxweynahu marka uu madaarka yimaado iyada oo kuwii hareero socday ay leeyihiin madaxweyne kac oo madaxweyne fadhiiso, annagu waxaanu leenahay Madaxweyne marna la kicinaayo marna la fadhiisinaayo runtii dalka lagu aamini maayo, waxaa loo baahan yahay dalkan in ay doorasho ka dhacdo, Madaxweynaha ama ha la kaciyo ama ha la fadhiisiyo ama su’aalo ha loo diido e’ dalka isaga ayaa ka mas’uul ah ee isaga ayaana loo doortay in uu doorasho ka qabto, waana looga fadhiyaa xiliga uu doorashada qabanaayo”.Source:Ogaal.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS