haatuf.net
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi:- Dhidar Onkod Kiciyey.! Cabdifataax Ismaaciil Caarshe
June 27, 2015 - Written by haatuf

Nooc ka mida Habar-dugaagga Waraabaha loo yaqaanno, discount oo loogu yeedho Waraabe-Dhidar, ayaa lagu tilmaamaa ama Soomaalidu ujeeddo ahaan u soo qaadataa inuu yahay mid Hurdo badan, isla markaana aanu lahayn dareen la mid ah qaybaha kale ee Waraabaha, dabadeedna sida uu u Hurdo marka uu maqlo Onkodka Roobka, ayuu ambabbaraa, dhinaca uu u boodo ayuun buu u cararaa ama u ordaa oo cidna kama baydho. Hase ahaatee, immika markuu Qalinku suureeyey dhawaaqiii ka soo yeedhay Wasiirka duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo Shir jaraa,id Axadii todobaadkan aynu ku jirno ku qabtay Madaarka Cigaal International Airpot ee Hargeysa, ayaa sheegay inuu leeyahay han siyaasaddeed oo uu ku sheegay inuu yahay murashaxnimada Madaxweynimo ee xisbiga Kulmiye, isla markaana dhawaaqa Wasiirka duulista ayaa ahaa mid khaladaad siyaasadeed oo cadayn dulucda uu u-jeeddo iyo hanka uu leeyahay, cidda uu u duur-xulaayo ee janbiga gaadhiga siyaasadda kaga soo booday,yaa Qiimeeyay Wasiir Xaashi inuu hogaamin karo ummad balaadhan.? Dhawaaqa Wasiir Xaashi ayaa ahaa sidan:-“Siyaasadda Wasiirnimo kamaan bilaabin ee meel hoose ayaan ka soo bilaabay.”Kalmadaa Wasiir Xaashi ee Wasiir kamaan bilaabin Siyaasada isagoo xusay taariikh kooban oo ku saabsan siyaasadda xilligii uu bilaamay, taasoo bixisay dood iyo aaraah badan oo ka dhashay inuu cid gaar ah duraayo. “Han weyn ayaan leeyahay, waxaana qabaa innaan hogaamin karo ummad balaadhan, laakiin hankaygu waa mid ka turjumaaya waaqica. Ma Degdegsani, laakiin ma han li’i. .” Inkastoo warbaahintii goobtaas joogtay Wasiirka waydiin Su’aal sax ah inuu waqti xaadirkan uu hunguraynayo jagada murashaxnimada Xisbiga Kulmiye oo uu la tartamayo Guddoomiyaha Kulimye Muuse Biixi oo ficilo qadhaadh kala mutay Cabdicasiis Samaale iyo Wasiir Biixi oo garabka Samaale ahaa, isla markaana dhawaaqa Maxamuud Xaashi ayaa u eekaa muuqaalka hadalka ka soo yeedhay mid , sida Dhidarka Onkod kiciyey oo kale ku ambabaray qodxaha adag ee noloshiisa siyaasaddeed waqti xaadirkan hor-yaala, haddii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee xilkii ka dhamaaday waqtiga muddada gaaban ee Guurtidu kordhisay markay dhamaanto inay muujinayso qaaciido uu u raaci karo murashaxnimada jagada Madaxweynimo ee xisbiga Kulmiye oo wali loo hayn cudurka siyaasaddeed ee ka dhex-dilaacay xumad jabin oo iyaduna meesha ka madhnayn.

Wasiir Xaashi oo Warbaahinta goobta ku sugnaa ay weydiiyeen Su’aal ahayd inuu wax badan ka qabtay madaarka Hargeysa, ayaa kaga dareen celiyey Su’aashii noocaas ahayd oo uu aad uga farxisay Wasiirka, balse waxay u muuqatay mid wariyaasha mikirifoonka hadalku ka boobay, laakiin waxa lama huraan ah in la ogaado In Wasiirkasta oo masab ka haya Dawladda inuu qaato dhawr kun oo lacagta doollarka ah oo mushahar ah, taasoo ceeb ku ah in Wasiir hawlihii qaranka ee Madaxweynuhu u igmaday ee ummadda uga masuul ka ahaa musharkana ku qaadanayey inuu yidhaahdo aniga ayaa waxaas u qabtay shacabka oo ah hantidii ay lahaayeen, waajibaadna ah, laakiin Su’aashu waxay tahay markay Wasiiradu sidaas leeyihiin ma hanti isagu gaar u lahaa oo xoogiisa ahayd baa, mise cashuuraha muwaadiniinta laga qaaday ayaa lagu qiimaynayaa.?. Wasiir Xaashi isagoo naftiisa qiimaynaaya wuxuu yidhi markaan is eegay waan hogaamin karaa ummadda balaadhan.? Runtii waa kalmad meel ka dhac ku ah shacabka oo qiimaynta qofka umadda ayaa ka markhaati kacda oo dood dheer iyo falaqayn meelo badan la iska taagay oo waliba su’aalo la waydiinayo shakhsiga hogaaminta ummad raba, balse qodobka siyaasaddeed ee uu ku biriiqday Wasiir Xaashi ayaa iyaduna ah su’aal furan. Waxa xaqiiqo ah in Madaarka Hargeysa dib-u-dhiskiisa Boqortooyada Kuwayd ugu deeqday xadi farabadan oo lacag ah, isla markaana waxa Madaarka Hargeysa ayaa ah mid dhaqaale badan ka soo caroodo.

Dadka Odoraasa ama falaqeeya arrimaha Siyaasadda, ayaa qaar ka mid ah waxay ku doodayaan in dhawaaqa Wasiir Xaashi uu dulucda uu xabaarsan yahay tahay inuu u-jeeddo weedha aniga siyaasadda kama soo bilaan Wasiirnimo ee meel hoose ayaan ka soo bilaay Wasiir Xirsi. Halka doodaas qaar kalena ay ka duwan tahay oo ay aamisan yihiin in Wasiir Xaashi waqtigan marka uu eegay shakhsiyaadka ku hirdamaaya kursiga murashaxnimada xisbiga Kulmiye uu ka cabsi qabo innaanay waqtigan haboonayn inuu garoonka loolanku ka socdo inuu ku dhawaaqo inuu isaguna safanayo ciyaarta siyaasadda uu ka baqay inay ku dhacdo mid la mid ah jidkii Saaxiibkii nambarka 9-ka u xidhan jiray difaacida Madaxweyne Siilaanyo ee Wasiirkii Hore ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale oo dibada loo tuuray in isaguna waaqiciga maanta uu mutaysan karo dagaal adag oo siyaasaddeed, kaga yimaada Maxamed Axmed Kaahin oo isaguna u arki kara in sidii Muuse Samaale loogu soo aadiyey inuu meesha ka saaro ay dhici karto inay tana la mid tahay wajigaas , isla markaana Wasiir Xaashi isagoo arrimahaas xisaabta ku darsanaaya duruufaha hor yaala inuu yidhaahdo hankaygu waa mid ka turjumaaya waaqiciga. Inkastoo garabyada iska haya murashaxnimada xisbiga Kulmiye ee Guddoomiyaha Muuse, ku-xigeenkiisa Kaahin iyo Garabka kale ee Madaxweyne ku-xigeenk Cabdiraxmaan Saylici, Cabdicasiis Samaale, wasiir Xirsi, Abiib Tima-cad iyo Wasiirka Cadaalada Axmed Caydiid, waa kooxaha sida weyn dagaalka siyaasaddeed ee masabka kursiga murashaxnimada xisbigaas isku haysta, isla markaana af-kaarahaas ayaa doodahooda kala duwan waxay ku aroorshaan in nasiib-daro siyaasaddeed ku tahay in Madaxweyne hogaaminaaya dalkii lagu murmo oo la isku qabsado kursigiisii oo uu waqtiyo badan saxaafadda ka sheegay inuu mar labaadna murashax u yahay xisbigiisii uu hore uga soo baxay.

Sidoo kale, waxa iyadana hubaal ah in dib-u-dhaca doorashada ay sabab u tahay khilaafka ilaa maanta ka dhex-taagan xisbiga Kulmiye, isla markaana labada garab ee ay kala hogaaminayaan Muuse Biixi iyo Samaale, ayaa iska ilaaliyi Wasiirka duulista Maxamuud Xaashi oo mid kastaaba wuxuu ka aamisan yahay inuu yahay shakhsi macaluumaadka u gudbiya Madaxtooyada oo sidaas daraadeed labada garaba way ka xan-qarsadaan kulamada ay iskaga xog-waraysanayaan qorshahooda siyaasaddeed.

Jawaabtaas Qalinka, waxaynu odhan karnaa waxa la qaba in badan oo ka mida bulshada reer Somaliland, hase ahaatee, waxaan la hilmaami karin inay iyaguna jiraan qaybo u arka inay sidaas ka duwan tahay jawaabta ay ka bixin lahaayeen su’aasha kor ku xusan. Hase-yeeshee, haddii aynu hore u sii ruqaansanno, waxa meesha ku jirta Su’aal kale oo uu Qalinku u arko inay jawaabteeda mudan tahay, taasoo ah haddii Madaxweyne Siilaanyo xaalada cakiran iyo khilaafka gaamuray ee bustaha la saraayo caabuqa nabarka xisbigiisa Kulmiye ee waqti xaadirkan ka dhextaagan uu ku danbayn doono jidkii xisbigii UDUB ku godgalay. Si-kastaba ahaatee dooda qalinka ayaa ku arooraysa in mar walba ay guusha murashaxnimada xisbiga KULMIYE raacayso cidda Madaxweyne Siilaanyo, la safto, taageero ama uu raaco .

Cabdifataax Ismaaciil Caarshe. Emial. Caarshe7@hotmail.com

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS