haatuf.net
Xukuumadda Wakhtigeedii Dhamaaday Oo Guddida Joogtadda Ah Ee Wakiiladda Ka Joojisay Guno Miisaaniyada Ugu Jirtay
June 28, 2015 - Written by Admin Two

Madaxtooyadda Ayaa Cadaadis Wakiilada Ku Saaraysa In Guddoomiyaha Guddida Joogtada Ah Laga Badalo Xildhibaan Ibraahim Buubaa

 

Hargeysa, medical June 28, unhealthy 2015 (Haatuf) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa joojisay bixinta guno ay qaadan jireen xubnaha guddida joogtada ah ee Golaha Wakiiladu.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda oo ku saabsan sababta ay wasiirka maaliyadu u joojisay gunadan miisaaniyada ugu jirtay guddida joogtada oo ka kooban 18 xubnood, impotent | taas oo ay si sharci ah u qaadan jireen marka uu gole waynaha wakiiladu fasaxa ku maqan yahay ee ay guddida joogtadu sii hayso qaar ka mid ah hawl-maalmeedkiisa.

Hase yeeshee siday ilo xogogaal ahi Haatuf u sheegeen waxa baryahanba jiray warar sheegaya in xukuumadda Madaxwaynaha wakhtigu ka dhamaaday ee Axmed Siilaanyo maagan tahay inay cadaadis golaha ku saarto sidii guddoomiyaha guddida joogtada ee wakiiladda looga badali lahaa Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Mr Buubaa ayaa isagu ah xildhibaan aan la gabanin mucaaridnimadiisa, waxaanay muqarabiinta mr Siilaanyo ku cawdaan in Ibraahim ku hadalo kulkulul yahay marka uu naqdiyayo siyaasadaha xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo.

Sida ay xogahaasi Haatuf u tibaaxeen wasiiradda maaliyadda ayaa guddida joogtada ka horjoogsatay inay gunadoodii qaataan afartii kalfadhi ee ugu danbeeyey.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS