haatuf.net
Wasiirka Maaliyaddu Danaha Gaarka Ah Ee Ay Berbera Ugu Cararaysay Iyo Socdaalkeedi Ay Sadexda Qof Ku Dhinteen
June 30, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa June 30, health 2015 (Haatuf)- Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan aya aaski sadexdi qof eek ku dhintay socdaalkeedi Berbera Axadi dhaweyd waxa si weyn ay dadku u hadal hayeen in ujeedada ay mar kaliya ay wasiirkub u go’aansatay inay Berbera u anbabaxdaa aheyd mid la xidhiidha dano gaar ah oo ay shakhsiyan laheyd.
Siday dad badan oo aaskaasi ka soo qaybgalay sheegeen, and wasiirka Maaliyadda aya si kadis ah waxay ugu baxday dhinaca Berber ka dib marki qaylo dhaani ka soo yeedhay maareeyaha Haamaha shidaalka Saleebaan Siciid kaasoo ku cawday in shaqaalaha dekeddu xanibayaan dhoofinti shidaalka kootarabaanka ahaa ee dalka Yeman Berbera looga dirayey mudooyinkan dambe.
Wasiirka maaliyadda aya amar ay hore u bixisay ku fasaxday in shidaalka loo dhoofiyo Yeman isla markaana ay dawladdu cashuur ka qaadato.Hadaba shidaalka faraha badan ee Yeman loo diro aya siday ilo xogogaal ahi sheegeen waxa badankiisa iska leh nin ay wasiirka maaliyadda walaalo yihiin oo ku magac dheer Xaajiga,waxaana la xaqiijinaya in marki ay Samsam galinki dambe ee isla Axadi ka soo noqonaysay Berbera ay iyada iyo walaalkeed gaadhigeeda wada saarnaayeen halka Wali Daauud Cigaal oo ka mid ahaa saraakiisha wasaaradda maaliyadda,askarigi Muuse Cali Haybe ee wasiirka ilaadiisa ahaa iyo wariyihi Hctv Maxamad Daauud Yuusuf Ilaahay ha u wada naxariisto’e ay wada fuushanaayeen gaadhi yar oo Zuzuki ah.
Kaaga darane shilka ka dib halki ay masuuliinta maaliyadu ka soo tacsiyadayn lahaayeen qoysaski geeridu ku timid aya waxay iyagi tacsi u fadhiisteen gurigi Samsam.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS