haatuf.net
Magacaabistii Baashe Cawil Inuu Noqdo Wakiilka Somaliland U Fadhiya Imaaraadka Oo Guux-wayn Ka Abuurtay Dalka, Si Gaar Ahna U Saamaysay Reer Berbera
June 30, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, generic June 30, 2015 (Haatuf) – Magacaabistii kasoo baxday xafiiska Madaxwaynaha Somaliland ee mudo-xileedkiisu dhamaaday Axmed Siilaanyo in wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Cawil noqdo wakiilka u fadhiyi-doona Somaliland caasimadda dalka Imaaraadka ee Abu-dhabi, ayaa waxay dalka ka abuurtay guux aad u wayn oo waliba si gaar ah u saameeyey gobolka Saaxil iyo xaruntiisa Berbera oo iyadu sidii joharad la helay ay Siilaanyo iyo wiilka inanta ka qabaa baryahanba iib uga raadinayeen Khaliijka Carabta.

Magacaabista Baashe ayaa waxay kusoo beegantay xili ay bulshadda reer Somaliland wax iska waydiinayaan in booqashadii uu mr Siilaanyo ku tagay Abu-dhabi iyo balamo iyo heshiisyo daabac siyaasadeed iyo milatariba leh oo la sheegay inuu la soo galay madaxda dalka Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dawladaha Khaliijka ee afartii bilood ee u danbeeyey dagaalka cirka ah kula jiray is-bahaysiga Xuutiyiinta iyo ciidamadda wali u daacada ah madaxwaynihii hore ee Yemen Cali Cabdala Saalax.

Inkastoo ay xukuumadu daboolka saartay natiijadii kasoo baxday socdaalkii Imaaraadka, hadana waxa jira warar isa-soo taraya oo sheegaya in Madaxwayne Siilaanyo markii uu Abu-dhabi tagay soo ogolaaday in ciidamada cirka ee wadamada Khaliifka gaar ahaan kuwa Imaaraadku ay isticmaalaan dekadda iyo madaarka Berbera, iyadoo la sheegay in Mr Siilaanyo uu arrintaasi dhaafsaday balan-qaadyo lacag ah oo dufcadii u horaysay oo ahayd jeeg $24 Milyan oo ay Imaaraadku siiyeen iyo maamulka dekadda Berbera oo ay shirkad dalkaasi laga leeyahay la wareegi doonto.

Sida uu distuurka Somaliland dhigayo, heshiis kasta oo xukuumadu lasoo gasho dawlad-shisheeya ayaa noqonaya waxba kama jiraan ilaa inta ay Baarlamaanku ansixinayaan.

Dhinaca kale waxa maanta galintii danbe is-urursanayey xildhibaano ka tirsan Wakiiladda, kuwaas oo isla qaatay in guddida joogtada ah ee golahaasi ka hadlaan xidhiidhadan iyo mucaawinooyinkan bulshadda laga qarinayo ee uu Madaxwaynuhu kolba la yeelanayo dalal shisheeye een la ogayn waxa Somaliland ugu jiro iyadoo waliba uu mudo-xileedkiisii dhamaaday.

Markay dawladuhu qof ka mid ah muwaadiniintooda u igmanayaan inuu hawl uga soo qabto dal shisheeye waxay caadiyan is-waydiiyaan marka hore yaa halkaa inagaga filan oo danaha dalkeena inooga soo dhamaynkara, shuruudaha lagu xidhayo qofka hawshaa loo magacaabayo ee ku munaasibka ah waxa ugu horaysa inuu luuqada iyo dhaqanka bulshadda loo dirayo waxbadan ka yaqaano.

Laakiin Baashe Cawil oo aan magaciisa xataa af-carabi ku qori karin, waxay magacaabistiisu xaqiijinaysaa uun in danta kaliya ee laga lahaa ay tahay in qoysku ay sirta iyo maalkaba ku qarsadaan, ilayn kumanaan muwaadin oo xilkaa ku dhaami-lahaaba waxa laga dhex heli lahaa dhalinyaradda reer Somaliland ee kusoo barbaaray dalka Imaaraadka laftiisa hadii magacaabistan dhinac daacad-nimo, dadnimo iyo wadaninimo leh laga eegi lahaa.

Sidaas darteed iyadoo awalba ay jireen tabashooyin iyo shakiyo laga qabo qoyska madaxtooyadu inay dabada ka wadaan gacan-galinta Berbera, waxay magacaabista Baashe ee wakhtigani caadi qashifaysaa in tuhunadii la qabay ay run ahaayeen, taas oo laga yaabo in kacdoono ka diyaaryihiin.

 

 

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS