haatuf.net
Xildhibaan Xasan Caynaan Oo Askar Ka Amar Qaata Dabaqa Saree Madaxtooyadu Siday Feedh Ugu Wadeen Dhulka Ugu Tuureen
July 2, 2015 - Written by Yuusuf Gaboobe

Hargeysa July 2, viagra buy 2015 (Haatuf)-Xasan Caynaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland aya galinki horee maanta cisbitaalka loola cararay ka dib marki ay albaabka madaxtooyada ay ku garaaceen qaar ka mid ah askarta ilaalada qasriga madaxtooyada ee ka amar qaata dabaqa sare ee gurigaasi.Siday ilo lagu kalsoonyahay Haatuf u sheegeen Xildh. Xasan oo doonayey in uu galo madaxtooyada oo uu balan ku lahaa aya waxa albaabka ku joojiyey mid ka mid ah askarta ilaalada ah oo ay yara wada jaafajirqeen dabeetana wax weerar ku soo qaaday askar kale oo siday feedh ugu wadeen dhulka ugu tuuray.

Askarta madaxtooyada oo ku dulman shaqada ay hayaan isla markaana og musuqmaasaqa ka socda xarunta ay 24/7 ilaalada ka yihiin aya waxay necebyihiin dadka tirada badan ee maalin walba albaabka ku soo dhaafa ee amarka lagu siiyo inay soo daayaan iyadoo ay ka warqabaan inay u socdaan muraddo iyo dano gaar ah.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS