haatuf.net
“Haddaanu Jirin Tuug Wax Naga Soo Xaday Cidda Gubanaysaa Maxay U Gubanaysaa”Xasan Guure Jaamac
July 6, 2015 - Written by Admin Two

Guddoomayaha Madasha Wada-tashiga Oo Badhi-taaray Dacwadda Ay Madashiisu U Gudbisay Dawladda Ingiriiska

 

Hargeysa, cheap ed July 6, 2015 (Haatufl) – Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa Markii ugu horraysay faahfaahin ka bixiyey Dawcad xukuumad xubno madasha ka tirsan Dalka Ingiriiska ugaga  Gudbiyeen Xubno xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo katirsani. Xasan Guure oo Warbaahinta kula Hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa qiray inay dacwaddaas iyagu gudbiyeen, isagoo hoosta ka xarriiqay inay tallaabadaas u qaadeen kadib markii ay xaqiiqsadeen  Lunsi hanti qaran oo dalka laga sameeyey.  guureMudane Guure, waxa uu sheegay inay Dacweeyeen Shakhsiyaad xukuumadda katirsan oo ay u tirinayaan inay hanti qaran gacan-togaaleeyeen,“Siciid Axmed Waa Xubin katirsan Madasha, Hawshaas uu qabtayna annagaa u dirnay oo madasha ayuu ku metelnaa. Dalna ma aanu ashkataynee ashkhaas aanu qabno inay hantidii umadda Lunsadeen ayaanu ashkhataynay.” Ayuu yidhi Xasan Guure.  Xasan oo Hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in dacwadda ay gudbiyeen  salka ku hayso lacago ay Madal ahaan tuhunsan yihiin dalka laga xaday, isla-markaana dhinaca Baananka Dalalka Reer Yurub la dhigtay, waxana uu yidhi,“Afrika waxa loo bartay inta lacag laga xado in baananka yurub la dhigto, wayna wada ognahay taas, wax allah waxa hanti afrika kasoo baxda ninbaa intuu iska gurto Baananka yurub dhigta. Ingiriiskana waxanu ku nidhi lacagtaas nalaga soo xaday idinnkay idiinsoo gelaysaa raadkeedu. qolo idinka idinka midaana qaadanaysee noo qabtaa annagu qaban karimayno mana xaqiijin karno meesha ay taallee.”  Waxa uu Guddoomiye Xasan Guure shaaca ka qaaday in cid beesha caalamka ugudbisa Dacwad Somaliland ka dhan ah ay ugu horreeyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye,  “nin arrinta somaliland si caalami aduunka hore u gaadhsiiya waxa ugu badnaa Axmed siilaanyo, Beesha caalamkuna waa kuwii shalayto saaray Kursiga, Markuu mucaaridka ahaana waxa Guddoomiye Axmed Odhan jirey Riyaale Mucaawimada aad siisaan ka joojiya oo dalkaba cuno qabateeya, annaguse taas maanu odhane waxanu nidhi Tuug hadduu jiro wax naga soo xaday noo qabta. In tuugga la qabtaa dalkay waxtar u tahay, Haddaanay wax jirina cidda gubanaysaa maxay u gubanaysaa, macnaheedu waa way jiraan”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS