haatuf.net
Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ma Wuxuu Sugayaa Inqilaab?
July 6, 2015 - Written by Admin Two

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) waa Madaxweynaha Sharciga ah ee Somaliland ilaa wakhtiga Doorasho Xor iyo Xalaal ah oo lagu bedelaa dalka ka qabsoomayso, view laakiinse laga soo bilaabo 26-june 2015, waa Madaxweyne ku-meel gaadh ah oo sifo sharci kursiga ku fadhiya. Labadaas aragtiyoodba waa kuwo Dastuuriya oo aanay jirin meel laga dhaafi karaa, haddii aanay dhicin duruufo kale oo xilka lagaga qaadaa, maadaama muddo-xilleedkiisii caadiga ahaa dhamaaday Madaxweynaha.

27-kii Bishii Jully ee sanadkii 2010-ka ayay ahayd markii uu talada waddanka si rasmiya ula wareegay Hogaamiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kaddib markii uu ku guulaystay Doorashadii qabsoontay 26 June ee sanadkaas. Waxay ahayd Doorashadii Isbedel doon ee ugu miisaanka cuslayd ee ka dhacda Mandaqada Taariikhda inta la cost of viagra in canada xasuusto.

Waxa uu ahaa Isbedel aanay saameyntiisu ku koobnayn Xukuumad, xukuumad bedeshay ama Xisbi Xisbi kaga guulaystay doorasho, balse waxa lagu tilmaami karaa, laguna xusuusan doonaa inuu ahaa Isbedel Saaxada ka saaray Istijaahii dawladnimo ee ay Maamulaysay Xukuumaddii UDUB ee uu hogaaminayay ex-madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Dadka qaar ayaa ku miisaama isbedelkaa, inuu ahaa geddood shacbi oo guulaystay (Kacdoon shacbi). Kuwo kalena waxay aaminsanyihiin in Kacdoonkaasi ahaa mid cadiifadaysnaa oo ay Bulshadu UDUB rida mooyee, aanay ujeedooyin cad oo Xisbiga Kulmiye ay ku doortaan u canadian levitra and healthcare'>canadian levitra and healthcare muuqan. Halka ay hogaamiyeyaashii Xisbigii UDUB ee Isbedelkaasi galaaftayna rumaysanyihiin in Guul-daradii Xisbigoodu kala kulmay Doorashadaas ay ahayd mid ka dhalatay muddo-dhaafkii Doorashada ee xad-beelay. Kaddin ,markii tiraba sadex jeer loo kordhiyay xilka laga soo bilaabo doorashooyinkii April 2003 qabsoontay markay muddadeedu dhamaatay.

“ Dadku waxay ka daaleen Maamulkii Xukuumadda UDUB” ayay aaminsanyihiin Siyaasiyiinta Xisbigii UDUB ka tirsanaa ee dhexdhexaadka ahi. waxaanay ku doodayaan in haddii ay Doorasho qaban lahaayeen markii wakhtigu ka dhamaaday aan Xisbiga Kulmiye haweysteen hogaaminta dalka, kana guulaysan lahaayeen mar kale, laakiinse taas bedelkeeda saddex jeer muddo-xilleedka loo kordhiyey, taasina ay sollansiisay guul-daro aannay ka soo waaqsan oo ay xataa hogaamiyeyaashii xisbigaasi qaarkood sumcad ahaan iyo Siyaasad ahaanba ku dhacaan god madow oo aan sallaamo lagaga soo baxo lahayn, kaasoo ka fogeeyey inay Saaxada Siyaasada ku sii jiraan, taasoo ugu danbayntii galaafatay Xisbigii UDUB oo saaxada ka baxay gebi ahaanba. Kaddib markii ay lumiyeen Kalsoonidii Shacbiga intii ay Maamulayeen.

Haddaba, shan sanno kaddib, markii Xisbiga Kulmiye loo doortay hogaaminta dalka, meeshana laga saaray nidaamka UDUB ee siddeeda sannadood waddanka xukumayay , maxaa iska bedelay nidaamkii Doorashooyinka, Dimuquraadiyada iyo Dawladnimada, Mase laga takhalusay xannuunkii Kursi Jacaylka ahaa ee ay UDUB eeddey, mise waxa noqday xannuunkaas Caabuq lagu kala dhaxlo Kursiga oo wali Madaxtooyada dhex Jiifa?.

Dhamaan Su’aallaha iyo kuwo kale oo Maanka Bulshada ka dhex guuxaya ayaa muddan in weydiimahooda laga jawaabo, balse faaqidaadooda iyo lafa-guristooda aan meteolink.nl lagaga jawaabi Karin Qormo iyo laba toona, inkasta oo wacyiga lagu jiro iyo waaqica inoo muuqda Maantu uu sawir cad ka bixinayo xaqiiqada jirta iyo xaaladaha waddanka ku gedaaman ee la xidhiidha amuurahan aynu kor kaga soo xusnay.

Marka si guud loo derso Xaalka, waxa muuqata in Mushkiladaha dhanka Siyaasada ee waddanka ka taagani ay marayaan marxalad ka xaasaasissan Maxsuulkii laga dhaxlay bilowgii dib u dhacyada Doorashada ee sanadkii 2008-dii, Cahdigii UDUB. Waxa si aan mad-madow ku jirin u muuqda in Xaalada iminka lagu jiraa ku soo beegantay xilli ay baahday hogaamintii siyaasadda guud ee dalku, taasoo la rabay inay jihayso mushkiladaha yooyootanka iyo khilaafka abuuray ee sababay in dadka qaar Sharciga gacantooda ku qaataan.

Wax kale oo muuqata inay meesha ka baxday dhowristii Shuruucda waddanka, qadarintii go’aanka Shacbiga iyo hab-dhaqankii lagu xalin jiray aafooyinka Siyaasaddeed ee xilliga isbedel dooka iyo Kacdoonada Mucaaridka loo dhego nugulyahay, taasina waa sababta keentay inaan Isweydiino Su’aallo badan oo Maskaxdeena iyo Maankiina ka dhex guuxaya wakhtigan.

Inkasta oo uu Madaxweyne Siilaanyo balanqaaday sanadkii 2013-ka, inaanu diyaar u ahayn in maalin loogu daro muddo-xileedkiisa, hadana balanqaadkaasi muu noqon mid uu ka run sheego ama sidiisa uu u fulayo Madaxweynuhu, wuxuuse noqday riyo madhalays ah oo uu Hadh cad Shacbiga u beyaamiyey.

Aan isweydiino sababta uu Madaxweynuhu balanqaadkaas u sameeyay iyo sababta uu u fulin waayay hadiiba uu umadda u we like it levitra online pharmacy beyaamiyey. Waxa xaqiiqa ah inaan Axmed Siilaanyo ka fiirsan balan-qaadka noocaasa ee uu sameeyey intuu xilka hayay, sababtoo ah, hadii uu arrintaas daacad ka ahaa waxa uu la iman lahaa siyaasad iyo Istaraatiijiyad uu kaga dhabbeynayo go’aankaasi, tan iyo markii uu xukunka la wareegay. Taasi waxay iftiiminaysaa in fulin la’aanta Axdigaas uu ku yimi ku talo-gal la’aan aanu wali daliil cad ka bixin, xataa maanta oo ay talo ku uruurtay.

Sidaasoo ay tahay, dib u dhaca Doorashada Madaxweyne Siilaanyo Cahdigiisa timi, waxaan mar kale ku celinayaa inay waddanka gelisay halis aan wali Maaro loo helin oo hadaan xal deg dega laga gaadhin Natiijo xun laga dhaxli doono. Waayo waxa meesha ka maqan go’aan qaadashadii Madaxweynaha iyo Masuuliyadihii guud ee Maslaxada Qaranka lagu Ilaalinayay, talada madaxtooyaduna waxaad moodaa inay gacmo badan ka go’do.

Tusaale ahaan hadii aan Is-dul-taagno Arrimaha wakhtigan alloosan iyo halka ay Jeegaantu marayso.

Bishii May ee la soo dhaafay, Go’aamo Isku lidiga ah ayaa ka soo baxay Golaha Guurtida iyo Asxaabta Siyaasadda, kuwaasoo labada dhinacba ku jaangooyeen wakhtiga dheeraadka ah ee ay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada sii joogayaan Kuraasta (Muddo-kordhin).

Labada muddo ee ay labada dhinac u kordhiyeen Madaxweynuhu, inkastoonu farqi wayni u dhaxayn wakhtiyada qolo waliba u astaysay qabsoomida Doorashada, hadana way adagtahay in lays waafajiyaa. sababtoo ah? Arrintu waxay ku murugtay in Khalad Khalad lagu saxo iyo in khalad Sharci lagu saxo.

Waxaan sidaas u leeyahay, marka aan xaqiiqada laga gudbeyn Golaha Guurtidu iyagaa xaq u leh, una lahaa muddo-kordhinta Doorashada, hadii duruufi keento.

waxaana taas si cad u beyaaminaya Qodobka 107aad ee Dastuurka dalka, Farqadiisa 5aad, kaaso dhigaya sidan: “Haddii ay suurtoobi waydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada dartood, in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato waxaa golaha guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u click here generic viagra online canadian pharmacy kordhiyaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto.”

Sidoo kale, Qodobka 60aad ee Dastuurka Dalka, farqadiisa 2-aad, waxay caddeynaysaa inaan “ inaanay Xilka (Shaqada) xeer dejinta la cialis doses Wareegi karin cid ka baxsan Baarlamaanku”.

Labadan qodob ee Dastuuriga ahi waxay meesha ka saarayaan Heshiiska ay wada gaadheen Saddexda Xisbi Qaran, kuna muddeeyeen wakhtiga Doorashada, si gaar ah waxa Heshiiskaasi uga hor imanayaa qodobka 60-aad ee Dastuurka, Farqadiisa 5-aad ee aynu kor ku xusnay. Sidaas darteed heshiiskaas iyo cidii gashayba waxay dhabarka ka jebisay Marjacii Qaranka ama Dastuurka.

Laakiinse marka laga hadlayo asbaabaha ay ku iman karto muddo kordhinta xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka go’aanka Golaha Guurtidu sax maaha boqolkiiba Konton (100%), wallow Khilaafka Siyaasiga ah laftiisu, marka Doorashadu Kaabiga timaado iyadoo aan loo diyaar-garoobini, uu qayb ka noqon karo arrimaha nabad-gelyo xumo ee loo cuskanayo dib u dhigista wakhtiga Doorashada, waana sida iminka ay ku dooddayaan Golaha Guurtidu. Taasise maaha inaan qiil u samaynayno go’aankii Guurtida’e Xukuumdda loogu kordhiyey xukunka, waase aragti Dastuur xurmeynteeda leh.

sidaas awgeed, Heshiiska Asxaabta Siyaasada dhex maray ee uu Madaxweyne ku-xigeenku goob-jooga ka ahaa, waxa lagu tilmaami karaa Maslaxad la isku khiyaameeyey, xumad jebin xaraan ah iyo waxaan sharciga iyo shacbiga toona u cuntamaynin. Waxaana taas daliil u ah halka uu ku dambeeyey iyo sida uu u fashilmay oo tusaale ahaan hadii aynu eegno aanu dhinac waliba ka dareen la’ayn natiijada ka dhalan doonta iyo suurto-galnimada dhaqan-galintiisu inay khatar ku tahay sharafta iyo qowniinka Dastuuriga ah ee Golaha Guurtida.

Sababtoo ah? Sida loo badanyahay aragtida Bulshada, isla markaana ra’yiyan laysku raacsanyahay, waxay tahay in Heshiiska Xisbiyadu ka horeeyo Go’aanka Golaha, kaddibna Guurtidu iyagoo ka duulaya isfahamka laga gaadhay dib u dhaca Doorashad iyo wakhtiga laysla ogolaaday ay muddo kordhinta sameeyaan. Hase-ahaatee golaha Guurtidu iyagoo aan wax tix-gelin ah siinin rabitaanka Daneeyayaasha ayay gaadheen go’aankooda.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ah Afhayeenka Golaha Guurtidu waxa uu ii sheegay, isagoo qiil u raadinaya go’aankooda, inay dalka ka badbaadinayeen masiibo Siyaasaddeed oo deg deg ah. Markii aan mulepub.com sii waydiiyey nooca ay tahay masiibada siyaasaddeed iyo halkay ka imanayso, waxa uu ku sifeeyey inay Xisbiyada Siyaasaddu fowdo iyo qas waddanka la doonayaan, si taas ay dalka uga badbaadiyaana ay talaabadan qaadeen.

Dhanka kalena, Marka loo kuur-galo dareenka biyo kama dhibcaanka ah ee Mudaneyaasha Guurtida, waxa xusid mudan inuu miiska u saaranyahay qorshe kale oo ah inay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ku sameeyaan Maamuus ka xayuubin. (Higth truism), hadii wax laga bedelo go’aankooda, iyagoo eeddeynaya Dastuur jebin ama Khiyaamo Qaran. Waana talaabo u bannaan hadii loo maro dariiq sax ah.

Waayo? Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Saylici, waxa uu goob-joog ka noqday (Ayiday) 30-kii bishii May , Shirqool ka dhan ah qodobo Sharci oo ka soo fullay Hay’ad Dastuuriya, kaasoo ay burin karto cid awood sharci u leh, sida Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Mooshin sharci oo mar kale Golaha la horkeeno, kuwaasoo lagu nasaqayo Muddo-kordhinta xilligeeda muranku ka dhashay.

Geesta kalena, Qasriga Madxaxtooyada waxa muuqata inaanay Mashaakilkan Siyaasaddeed wax shido ah ku haynin, xaalkiisuna wuxuu u http://www.lehc.ca/viagra-from-india eegyahay Shidannaaba-Shidan, halkii ay ahayd inuu la yimaado Madaxweynuhu qorshe Siyaasaddeed oo dhinac isugu duwaya qadiyadaha iska soo horjeeda ee ka taagan dib-u-dhaca Doorashooyinka.

Isku soo wada xooriyoo, hore iyo dambeysaba Golaha Guurtidu waxay ku doodayaan inaan go’aankooda wax iska bedelayaa jirin, sidoo kalena Xisbiyada Mucaaridku waxay taaganyihiin inaanay Madaxweynaha iyo xukuumadiisa aqoonsanayn wixii ka dambeeya 27-ka bisha Jully ee aynu ku jirno, haduu dhaqan-gelin waayo heshiiskii Asxaabta wakhti ka horeeya maalinta ay hogaamintiisu ku dhamaanayso. Waxaanay Xisbiyada Mucaaridku sida laga dhadhansanayo dooddooda ay qaraar sharci ka dhigayaan Heshiiskii ay qalinka ku duugeen ee ay ku fasaqayeen muddo-kordhinta Golaha Guurtidu meel-mariyey.

Xisbiga Kulmiye iyo xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee uu Madaxda ka yahay Axmed Siilaanyo-na waxay ku andacoonayaan inay ixtiraamayaan dhamaan Afkaarta iska soo horjeeda ee ku aaddan wakhtiga dib u dhaca Doorashada ay labada qollo ( Mucaaridka iyo Guurtidu), u cayimeen labada muddo ee kala duwan.

Saddexdan Aragtiyood maaha kuwo isla keenaya, sidaas darteed arrintu waxay u baahantahay in la helo Xal. Xalkaasoo ka yimaada, gacan saddexaad oo jebisa derbiga laysku mari la’yahay ee xudunta u ah Muranka, in isu tanaasul yimaado oo ay Asxaabta ama Gollaha Guurtida dhinac uu ka tanaasulo go’aankiisa. hadiise labadaa arrimood midkood la waayo, xaalku waxa uu noqonayaa Qas iyo qaylo aan dhamaad lahayn, oo dhaawacaysa midnimada Qaranka, isla markaana sababi karta qallalaase siyaasaddeed oo la mida dhibaatooyinka ka alloosan wadamada Syria, Burundi iyo meello kale dunida kamida.

Allow Guusha na waafaji annagu garan mayno gedaan u soconeeeeeeeeeeeeeeee.

Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa/ Email: curad1986@hot.comSiilaanyoCiidanka

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS