haatuf.net
Atteenadda Lacagta (Money Antenna) Qalinkii Maxamed Cabdiakrim
July 6, 2015 - Written by Admin Two

Waa gadh Wadaadle, cialis Waa waddaad ceebays, price wuxuu la  baxay gadh, surwaalkana wuu gaabsadday ama khamiis ayuu wataa, waxa ka muuqata astaamihii iyo shacaa’irtii muslimka, waa ganacasadde yaqaana halkuu shilinku ku jiro,uuma eego xalaal iyo xaaraan, wuxuu safka hore fadhiistaa Sheekh dirir, si uu tafsiirka wax uga barto,  wuxuu xariif ku yahay sidda loo dhaco kastamyadda, wuxuu ka been sheegaa baddeecaddaha uu soo dajisto,  dubia , china ama halkii kale ee uu alaabadda ka soo dhoofsanayo  ayuu magaca kaga bedelaa, isagoo ku qoraya magaca alaab jaban si cashuur yar loogu dhufto. Waxa kale oo ay gadhwadadlayaashaasi  ku dhex qariyaan karaatoonta ama bacaha alaabadu ugu jirto, qalabka qaaliga ah oo dhan sida electornicska oo haba yaraatee aanay cashuurin, oo xatooyo ay ku soo dhaafiyaan kastamyadda, Waxa intaaba ka sii daran, fasahaadka uu ugu horeeyo laaluushku oo ay siiyaan inamadda qiimaynaya allabadoodda, si loogu qiimeeyo cashuur jaban.

Wuxuu u yaqaanaa Cashuurta Xaaraan, Markuu u qiilsamaynayo Xatooyadiisa, isagoo addeegsanaya diinta, haddaba, Waddaadadda  Ganacsatadda ahi Boobka  iyo Xatooyadda  Cashuuraha dawladda Miyaanay xaaraan u Haysan?

Qofka Dhaca ama khiyaameeya 1 qof, waxa uu dambi ka galay halkaa qof, qofka dawladd dhaca ama cashuurteeda khiyaameeyaana wuxuu dambi ka galay 4 milyan oo qof oo reer Somaliland ah. Koox ganacsato  waddaaddo ah ayaa u tagay sheekh  si  ay u waydiiyaan masalo diini ah oo ku taxaluqda , ganacsigooda iyo cashuurta dawladda, waxay ku yidhaahdeen ‘ sheekh cashuurtu waa xaaraan, markaa ka waran haddii aan maraxawado hoosta kaga soo guro moobilo ama aan badeecadd  magaceedda ka baddalo  si aan cashuur yar u helo, Sheekhii wuxuu ugu jawaab celiyay ganacsadihii, danbi wayn oo kaad sheegayso ka wayn ayaad gashay oo ah ‘been’ markaa danbi iyo khalad ee cashuurta iska bixi’ runtii nimankani way iimaan qabeen, marhadiiba shubah ka galay  khalad iyo sax kuu yahay ficilkoodu.

Maaha Gaf iyo aflagaado, inta baddan ganacsiga dabaqada dhexe waxa gacanta ku haya , nimaankaa aynu xaga sare ku soo xusnay, magaaladda burco iyo hargeisa waxaa looga yaqaanaa sunihii wanaagsanaa ee uu ugu horreeyay gadhka iyo surwaalka la gaabsado ‘atteenadda lacagta’  waxaana ceebtaas oo dhan u soo jiiday gaadh wadaadle aan waddaadd ahayn.

Waatahay, waddaadku wuxuu leeyahay sifooyin ay ugu mudan tahay, in aanu been sheegin, waxkasta oo uu sheegaana ay tahay run, u dhawaanshiyo uu u dhawyahay ilaahay, inaanu ahayn tuug, inuu xambaarsan yahay dhaxalkii nabigeena, haddaba bulsho ahaan, waddaadaddu waxay ku dhex leeyihiin qadarin iyo ixtiraam iyo inay dadku aaminaan, kooxdan gadhwadaadlayaasha ah ee shacaa’irta islaamka u samaystay inay  u noqoto atteeno ay lacag ku raadiyaan, waxay dhagar u maleegeen danyarta iyadoo bishaa ramadaan aan qoysas dabka loo saarin, maceeshadiina hawadda ay ku sii shareereen.

Si cilmiyaysan haddii aan u dhigo, qeexidda dawladdnimaddu, waa  niddaam ay  bulsho si wadda jir ah ugu heshiiyeen, haddii uu ruux ka talaabsaddo wixii lagu heshiiyay waxaa uu qofkaasi danbi ka gallay bulshadii  niddaamkaas ku heshiisay

Gaba gabaddii, waxaan u bartilmaameed saday, waddaadda ganacsatadda ah, inay ay dadka u naxariistaan iyo inaan ku baraarujiyo waddaadda kuwa gabaadka ka dhiganaya waddaaddnimadda si ay u haleeyaan bulshada, ama loo aamino kadibna bulshadda ay ku tuntaan, waxa kale oo igu kalifay qoraalkan, anigoo og qiimaha ay waddaadaddeenu leeyihiin, inaan lagu qaldin kuwaa ku soo dhex dhuumanaya ee ka been sheegaya muuqaalkooda.  Ganacsato baddan oo aan waddaado ahayn oo ganacsataa waa jiraan, lakiin waddaadaddu waa ciddii lagaga dayyanayay  wanaagga, toosnnaanta, dhibirsannaanta, u gargaaridda masaakiinta, aaminaadda iyo runsheegistaba, sidaa daraadeed hadii ay qaldanto ciddii lagu dayanayay waxaa soo baxaysa bulsho fasahaadsan oo halaysan.

Daacadnimo , dal-jacayl, dad-jacayl iyo Midnimo

Somaliland Ha noolaato

Qalinkii Mohamed AbdikarimMaxamed Abdikarim

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS