haatuf.net
Jaahilkii Cali Warancadde Oo Sarkaal UNDP Ka Tirsan Ugu Hanjabay In Uu Xidhi Doono
July 7, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa July 7, denture 2015(Haatuf) – Cali Waran-cadde Wasiirka Daakhiliga oo bulshada reer Somaliland isugu tilmaamto inuu yahay wasiirka ugu jaahilsan wasiirada xukuumadda madaxweynaha Somaliland ee muddo-xileedkiisii dhamaaday Axmed Silaanyo ayaa todobaadkan ku hanjabay inuu xabsiga u taxaabi doono sarkaalka xafiiska ay hayadda UNDP ku leedahay caasimada dalkan ee Hargeysa.

Sarkaalkan oo wasiirka ku soo booqday xafiiskiisa si ay uga wada hadlaan arimo khuseeya wada-shaqeynti ka dhaxaysay labada dhinac aya waxa uu Cali Waran-Cadde kala kulmay hadalo cagojuglayn iyo eedeyn isugu jira iyadoo uu wasiirku si toos ah ugu hanjabay inuu xidhi doono hadii uu u hogaansami waayo ama dhinaciisa ka dareemo faragalin.

Dhinaca kale Qaramadda Midoobay (UN) ayaa kor u qaaday darajada heerka cabsiga nabad-galyadda (security threat) ee ugu qiimaysnayd xaaladda nabadgalyo ee Somaliland ka jirta. Wali ma kala cada in cabsidan soo korodhay ay la xidhiidho hanjabaadii Cali Warancade iyo inay ka dhalatay arrimo kale.

Waxase hubaal ah in dalka Somaliland aanay hada ka jirin duruufo lagu tilmaami karo nabadgalyo daro oo khatar galinkara amaanka bulshadda ku nool.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS