haatuf.net
Yaa Ka Masuul Ah Dib U Dhaca Weyn Ee Ku Yimid Sports-Ka Somaliland: Qalinkii Cismaan Saleebaan (Laba-qori)
July 8, 2015 - Written by Admin Two

Laga Joogo Muddo 20 Sano Ah Oo Kasoo Wareegtay Aaasaaskii Dalkeena Somaliland Waxa Maalinba Maalinta Ka Dambaysa Dib U Dhaca Weyn Ku Imanayaa Dhamaan Sport-ska Somaliland , anesthetist Kaasi Oo Dhinac Walba Leh Sida Kubada Cagta , doctor Basketball-sha Ororoda Kala Duwan iyo Dhamaan Qaybaha Kale Ee Sports.

Hadaba Suaasha Meesha Taala Maxaa Ugu Wacan Dib u dhaca Joogtada ah ee ka dhex socdaa dhamaaan xidhiidhada kala duwan ee sports-ka somaliland.

Aniga Oo Cismaan Saleebaan ( labaqori ) ahna Ciyaartooygii Hore oo u soo taagnaa waxaan markhaati ka ahay dib u dhacaa maalin walba jiitamayay , waxaanan fikir ahaaan aaminsanahay in ay ka dambayso maamulka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha . kuwaasi oo aan u arko qaar fadhiid ah oo ka gaabiyey shaqadii loo direy in ay abaabulaaan dhalinyarada somaliland . waxaana tusaale kuugu filan inaanu jirin federation si fiican u shaqaynaya,oo gudan kara dhamaan hawlaha sport ee baahsan,iyo hawlwadeenadii ka shaqayn lahaa xidhiidhadaa kala duwan, hadaan si kooban uga hadlo xidhiidhka kubada cagtu waa ururka ugu balaadhan xidhiidhada kale , waxaana ka shaqayn kara dad fara badan ,waana inuu leeyahay laamihiisa kala duwan ama departemation waxa afka qalaad lagu yidhaahdo,oo transparency ah waa inuu yeeshaa oo maaamulkiisa iyo maarayntiisuba ay la socoto ,iyo dad farsamo oo wax ka yaqaana kubada cagta rule and regulationka kubada cagta. xafiiska xidhiidhkuna yhy mid la garan karo oo sida ururada la yaqaano u shaqeeya.

Qalinkii: Cismaan Saleebaan (Laba-qori)

Cismaan Labo-qori

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS