haatuf.net
Madaxweyne Silaanyo Oo Halku Cumrada Ku Dalban Lahaa Baasaboorka Somaliland Ka Doorbiday UK Travel Document Uu Wali Haysto
July 8, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa July 8, drugs 2015(Haatu)-Madaxweynaha Somaliland ee muddo-xileedkiisu dhamaaday Ahmed Silaanyo aya waxa la waayey UK Travel Document uu ku dalbaday visa Cumra ah oo uu ku tagi lahaa Boqortooyada Sucuudiga.

Mr Silaanyo oo doonayey in uu dalka Sucuudiga ku galo Cumro aya ka shakiyey in safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Jibuuti ay visa- ha cumrada ku siin waydo baasaboorka Somaliland waxanu cumradi ku dalbaday UK Travel Document uu wali haysto isagoo madaxweynihi dal dhan ah.Hasa yeeshee waxa hadda muuqata in visa-di loo diiday oo aanu tagi doonin Sucuudiga iyadoo la sheegay in xildhibaano iyo wasiiro ay ka mid ahaayeen Nanac iyo Maxmuud Xaashi oo doraad Hargeysa uga kicitimay dhinaca Sucuudiga si ay madaxweynaha halkaasi ugaga sii horeeyaan aya haatan dib ugu soo laabanayaan dalka.

Madaxweyne Daahir Riyaale aya mudadi uu xilka hayey waxa uu wasiiradiisa iyo xildhibaanada Baarlamanka ee haysta baasaboorada ajnabiga ah ku dhiiringalin jiray inay baasaboorka Somaliland isticmaalaan markay dibadaha hawlo rasmi ah ugu dhoofayaan halka uu madaxweyne Silaanyo aan arintaasi wax ahamiyad ah siin jirin.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS