haatuf.net
“SOMALILAND WAXA LAYSKU HAYAA: XABIIB BURQIIBAA INA XUKUMA IYO MAAHEE WAXA INA XUKUMA ZINE AL-ABIDINE BIN CALI !!!!!!!!”
November 4, 2014 - Written by haatuf

Horta marka hore A/Calaykum shacbiga sharafta lehoow Gude iyo Dibadba.

Baryahanba waxaynu ku jirnay jahawareer qariib ku ah Hogaankii iyo Hanaankii Dawladnimo ee looga bartay Dalkan yaree Somaliland, viagra sale iyadoo ay aad ugu caanbaxday KALA SOCODKA AWAAMIIRTA DAWLADDA taasoo MUCAARIDKA iyo SHACBIGUBA ay qaadan jireen wixii Fulinta (Dawlada Dhexe) ka soo baxa. Hadii wax la qoonsadana, generic mudo yar oon cidiba wax dareemin la dhameeyo.

hadh3.jpg

Waxay ku caanbaxday Somaliland Niman Madaxa oo cimrigooda iyo caqligoodu wada socdo, ask taasoo waayo aragnimanna u dheertay. Aan soo qaato Gudoomiyihii Mucaaridka Xisbigii Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud ‘’Siilaanyo’’ oo ahaa Nin aad u codkar ah,Siyaasiya. Saxaafaduna aad u jeclayd isaguna u qabay Kalgacal iyo qalbi saafiya oo uu ku qaabili jiray qoladaas Warbaahinta ka hawl-gasha.

Wuxuu ku guulaystay Xisbigii kulmiye Doorashadii 2010-ka, sidaas ayuu Axmed Siilaanyo ku noqday Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland. Isla 3 bilood ee ugu horeeyay Qoladayadii UDUB ee banaysay Kursiga Madaxtooyada waxaanu dareenay: inaan haba yaraatee la ogolayn cid ka socota warbaahinta oo wax SU’AALA waydiisa Odaygii ay Saxaafada mataanaha ahaayeen 3 bilood ka hor.

Arinkii aanu dadaynay ee ahaa kala irdhaynta Saxaafada iyo Siilaanyo, waxa ka shifay Illaahay haw naxariistee Mujaahid Talaabo oo yidhi: Dhakhaatiir khuburo ah oo maskaxda ku takhakhustay ayaanu u yeedhaynaa, Diintooda ayaanu ku dhaarinaynaa inay natiijadana sidaytay noogu sheegaan, oo ay noo baadhaan Maskaxda M/Weyne Siilaanyo!

Aan soo koobee, Golaha Wasiirada Xukumada Kulmiye may noqon kuwo Asturi kara sirtooda, iskaba daa Xilgudasho la’aan jirtana!!!

Waxaan taas ku cadaynayaa waa nimanka: madaxwaynii oon mudo la arag meel uu ka hadlayo iyo meel uu ka hugmayo toona ku odhanaya: Xalay ayuu madaxwaynii suuqa soo maray, iyo Saakuu Masjidka Cali Mataan ku tukaday, iyo Casarkii ayuu Bacadlaha yimi!! Waxay ka dhigeen Axmed sidii MAS XALAY QOF JAQAY OO SAAKA SHACBIGU RAADINAYO! Muskan buu galay iyo Geedkanbuu koray oo kale!!!

Xukumada maanta Wasiiro ku jira ayaa la shaqaynaya Mucaaridka, Wasiiro kalena waxay leeyiin Dalkaanu xukunaa! Hadana inaydin daawanayseen iyo inkale uma war hayee, waa nimanka qarin kariwaayay markii M/weynuhu qabtay kulankii isaga iyo qolada ingriis ku dhex maray MARKABKA dushiisa. Safiirka Uk u fadhiya Ethiopia inuu ahaabaan filayaaye, wuxuu yidhi: aad baanu ugu faraxsanay kazoo qaybgalkaaga, waana markii LABAAD ee aynu kulano, soodhawoow M/Wayne?

Walee waan ka naxaye, wuxuu ku jawaabay M/Waynaheenu: aad baa u mahadsan tihiin, waa markii KOOBAAD ee aynu kulano!!!!!!!!!!!! U fiirso waxa lagu yidhi M/Weyne Siilanyo waa markii LABAADE! Isna waa markii koobaad ayuu leeyay!!!!!! Ilaahay wixii hayaba haka Dulqaado – Aaamiiin

KHILAAFKA HADA TAAGAN AMA WAXA LAYSKU HAYAA MAAHA: GURIBAA LA BIXIYAY IYO HEBELBAA HEBEL U JAWAABAY! MA AHA XEER CODBIXIYE IYO DIIWAANGALINTOONA WAXA LAYSKU HAYAA: XABIIB BURQIIBAA INA XUKUMA IYO MAAHA ee BIN CALIBAA INA XUKUMA!!!!!!

Xabiib Burqiiba wuxuu ahaa madaxweynii 1957-kii ee ugu horeeyay eeTunisia, kaasoo Caqliga iyo Garashaduba ay suuleen iyadoo cudurkii hayayna lagu tilmaamay (Senile), oo ah mid dadka inta badan waynaan ku dhaca kasoo sababa in Maanka ama Garaadka Qofku aanu awoodin inuu wax maareeyo ama maamulo. Cudurkaasi waxa kale oo uu keenay in hadalkiisiina uu noqday midaan u socon dhanka lagala hadlay, isla markaana loo diiday SAXAAFADA!!! Nasiib wanaag waxa agtiisa xaadir ku ahaa Rag aad u maskax badan oo uu ugu horeeyo: Bin Cali ama Ben Ali oo ahaa nin marka hore in badan kazoo shaqaynayay Sirdoonka Dhanka Milatariga. Ben Ali saxaafada waxa uu ugu diidayay wax kale may ahayn, wali halkuu la rabay iyo sidii uu damacsanaa ayaan la gaadhin, sidaasi darteed ayuu uga mamnuucay in Wax su’aala iyo waxa Warbaahin la yidhaa toona aanay indhaha saarin Madaxweyne Buqiiba! Mudo aad u dheer ayuu filinka ku matalayay Nin soo wariya wixii madaweynuhu yidhaa iyo cidbay kulmeenta! Balqabsoo wuxuu ku ladhayay wixii Shacbigu Rabaan iyo wixii uu jecel yahay Shacbiga Tunisia isagoo leh waxaan kasoo Wariyay: Madaxwayne Burqiiba oo sidaasuu idin yidhi!!! Nasiibdaro se, Siilaanyo ma agjoogo Bin Cali!! Wayse hawl yartay in la difaacaa Siilaanyo ee Khibradeedii ma laha waayo waa Kuwo Xawayaan Dhaqda iyo Mid Sawiro dhaqda!!

Hadaba mudo dhan ayay dadka tuuniisiya lahaayeen: Xabiib Burqiibaa (Habib Bourguiba) ina xukuma iyo Maahee Bini Cali ayaa ina xukuma. SALAAMU CALAYKUM.

Shaqsi uma jawaabo, Af-xumana Umada uma horseedo, Taasaynu isku ognay Akhristeyaasharafta lehoow.

SANWAA CUMAR YARE

muwadin01@hotmail.com

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS