haatuf.net
Siilaanyo Oo Usoo Tafa-xaytay Sidii Prof. Cabdul Salaam Yaasiin Looga Saari Lahaa Board-Ka Jaamacadda Hargeisa Iyo Gadood Kasoo Fool-Leh Ardayda
July 13, 2015 - Written by Admin Two

“Professor Cabdul-Salaam Shaqadii Uu Mushaharka Fiican Ka Heli Jiray Waxa Uu Uga Soo Dhaqaaqay Oo  Uu Dalka U Yimid Si Uu Anaga Wax Noo Taro”Mid Ka Mid Ah Ardayda Jaamacadda Hargeysa

 

Hargeysa, drugs July 14, advice 2015 (Haatuf) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shakhsiyan u tafa-xaytay sidii mujaahid Cabdul Salaam Yaasiin Gabay-xadi looga saari lahaa golaha hogaaminta (board of directors) Jaamacadda Hargeysa oo uu guddoomiye ku xigeen ka yahay.

Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumadiisa ayaa waxay ku doodayaan professor Cabdul Salaam yahay nin siyaasi ah oo ka tirsan Madasha-wada-tashiga sidaas darteedna aanu xubin ka noqon karin Board-ka Jaamacadda oo uu ka mid ahaa saddexdii sanadood ee u danbeeyey. Hase yeeshee siday ilo xogogaal u ah arrintani Haatuf u sheegeen dooda xukuumadda ayaa ah mid aanay gar ku helaynin, iyadoo ay wasiiro xukuumadda lafteeda ka tirsan sida wasiirka qorshaynta Sacad Cali Shire iyo wasiirka cadaaladda Xuseen Caydiid ay xubno ka yihiin Board-ka Jaamacadda Hargeysa.

Ilahaasi waxa kale oo ay Haatuf u sheegeen inaanu Cabdul- Salaam Yaasiin aanu Madasha ka ahayn xubin firfircoon oo lagu xujaynkaro ama loo cuskan karro in Board-ka Jaamacadda lagaga saaro.

Prof. Cabdul Salaam Yaasiin oo ka mid ah aas-aasayaashii ururka SNM kaga dhawaaqay magaaladda London April 6, 1981-kii, isla markaana shahaadada Phd-da kusoo qaatay Luuqadaha (Linguistics) ayaa mudooyinkii danbe wax ka dhigi jiray Jaamacadda Boqor Sucuud ee ku taala magaaladda Riyaad, halkaas oo uu ka ahaa professor luuqada af Ingiriisiga ah ka hor intii aanu dalka kusoo laaban si uu aqoontiisa uga faa’ideeyo waxbarashadii jaamacadeed ee Somaliland ka bilaabantay sanadihii danbe.

Hadaba weerarkan ay madaxwayne Siilaanyo iyo gacan-yarayaashiisu kusoo qaadeen professor-ka ayaa waxa ka dhashay guux-wayn oo ardayda dhexdooda ah, iyadoo qaar badan oo ka mid ah macalimiinta iyo maamulka jaamacaduna ay muujiyeen dareeno ay ku diidanyihiin mawqifka madaxtooyadda. Hadaba mar aanu  arintan wax ka waydiinay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Hargeysa oo ka cudur-daartay in magacyadooda la shaaciyo ayaa noo sheegey in haddii ay xukuumadu ka noqon-waydo go’aankaasi ay si wayn uga gilgilan-doonaan isla markaana ay dareenkooda u muujin doonaan bulshadda.

Mid ka mid ah ardaydaasi oo ka hadlaya arrintan ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Professor Cabdul-Salaam shaqadii uu mushaharka fiican ka heli jiray waxa uu uga soo dhaqaaqay oo  uu dalka u yimid si uu anaga wax noo taro, kuwa ku haysta xubinimada board-kuna waxay duulaan ku yihiin waxbarashadayada”. Sidoo kale ardayad iyaduna wax ka dhigata Jaamacadda ayaa waxay is-barbar-dhigtay prof. Cabdul-Salaam iyo wasiir Xuseen Caydiid, waxaanay tidhi “hadii board-ka cid laga saarayo waxay ahayd in laga kaxeeyo Xuseen Caydiid oo la wada ogyahay inuu qabyaalad mooyaane aanu wax kale kaga hadlin shirarka board-ka”.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Bilayska C/laahi Fadal ayaa joojiyey baadhitaan bilaysku waday oo ku saabsanaa macalin jaamacadda sanad ka hor laga eryey oo magaciisa la yidhaa Axmed Maxamed Cadaad, kaas oo saddex todobaad ka hor weerar kusoo qaaday jaamacadda, isagoo wata koox dhalinyaro ah iyo nin ay walaalo yihiin sheekh Maxamed Cali Geedi.

Weerarkan oo loo adeegsaday shiid iyo budhadh ayaa khasaarihii uu gaystay iyo cidii ka masuulka ahayd baadhitaankii lagu ogaan lahaa uu hadda joogsaday ka dib markii taliyaha bilayska C/laahi Fadal oo ay Mr Cadaad qaraabo yihiin amar ku bixiyey in kiiskaasi faylkiisa la laabo.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS