haatuf.net
Koomishanka Doorashooyinka Iyo Hay’adda IOM Oo Musuq-Maasuqay Mushruucii Wacyi-Galinta Diwaangalinta Cod-Bixiyeyaasha
July 14, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, anesthetist July 15, 2015 (Haatuf) –  Koomishanka Doorashooyinka Qaranka iyo hay’adda socdaalka dunidda ee IOM ayaa musuqmaasuqay barnaamij wacyi-galin ah oo loogu talo galay in la qabto intaan la gudo-galin diwaangalinta cod-bixiyeyaasha ee ay ahayd inay dalka ka bilaabanto bishan aynu ku jirno.

Mashruucan oo qandaraaskii lagu bixinayey ay soo doonteen lixdameeyo ururo iyo hay’addo muxali ah, ayaa waxa todobaadkii ina dhaafay hoos ahaan loo siiyey lix NGO oon lahayn aqoon iyo khibrad ay bulsho balaadhan ku wacyi-galin karaan. Komishanka iyo IOM ayaan ilaa hadda si rasmi ah uga hadal cidii ku guulaysatay qandaraaskii wacyi-galinta diwaangalinta cod-bixiyayaasha. Hase yeeshee siday ilo xogogaal ah oo shaqaalaha Komishanka ka tirsani Haatuf u sheegeen lixda hay’adood ee qandaraaskan la siiyey ayaa waxa loo xil-saaray in mid walba mid ka mid ah lixda gobol ee komishanku rasmi ahaan u aqoonsan yahay ay ka fuliso barnaamij wacyi-galin ah oo ku saabsan diwaangalinta cod-bixiyeyaasha, taas oo hay’ad kasta lagu siiyey $60,000. Sida la ogsoonyahay tiraba laba jeer ayaa Somaliland hore la iskugu dayey in laga hirgaliyo  diwaangalinta cod-bixiyayaasha. Hase yeeshee marna laguma guulaysan iyadoo loo aanaynayo qorshe xumo, musuqmaasuq iyo wacyi-galin been-been ah oo eedooda ay leeyihiin Komishanka iyo hay’adaha caalamiga ah ee  la shaqeeya labaduba.

Waxa kale oo iyaguna door ka qaata asbaabaha ay diwaangalintu la fashilanto asxaabta siyaasadda iyo kolba xukuumadda taladda haysa oo dhamaantood taageerayaashooda ku dhiirigaliya inuu qofkastaa dhawr jeer is-diwaangaliyo si uu dhawr jeer u codayn karo xiliga doorashadda.

Komishanka doorashooyinka oo ka kooban 7 xubnood oo shan ka mid ah dawladu magacawdo ayaa ilaa maalintii la ansixiyey November 29, 2014-kii aan laba jeer wax ka badan la hadal bulshadda ay u xilsaaran yihiin inay doorashooyin u qabtaan.

Markii u horaysay oo ahayd March 9, 2015-ka Komishanku waxay dadka u sheegeen inay diwaangalinta cod-bixiyeyaasha qaban-doonaan bishan July ama ramadaanta ka dib oo ay hawshaasi socon doonto muddo afar bilood ah. Hada diwaangalin iska daayoo wacyi-galintii ka horayn lahayd ayaanay ilaa hadda bilaabin iyagoo waliba qandaraaskeedii bixiyey. Markii 2-aad ee ay shacbiga la hadlaan oo ahayd April 21, 2015 ayaa waxay sheegeen inay doorashadda Madaxtooyadda iyo Wakiiladda qaban doonaan 1-da June 2016-ka. Wixii muran ahaa ee arrintaas ka dhacay dhawrkii bilood ee ina soo dhaafay xukuumadda, mucaaridka iyo guurtidda dhexdooda Komishanku ilaa hadda kamuu hadal, isla markaana dadkana umay sheegin in doorashadu ay ku eegtahay wakhtigii ay hore u cayimeen  ee 1-da June ee sanadka danbe iyo in kale, waxaanay ogolaadeen in lagu murmo oo la isku riix-riixo shaqadii ay iyagu lahaayeen ee ku dhawaaqista wakhtiga doorashadda.

Dhinaca kale mar aanu isku daynay inaanu arrimahan xaga sare ku xusan wax ka waydiino guddida doorashooyinka iyo masuuliyiinta hay’adda IOM ayey ka cudur-daarteen inay  gabi ahaanba tafaasiil ka bixiyaan fadeexadahan masuqmaasuq ee dul-hoganaya labada hay’adood.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS