haatuf.net
Aamina Waris Oo Gudoomisa Shirarka Masuuliyiinta Xukuumadda Ee Habeenki Lagu Qabto Madaxtooyada
July 15, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa July 16,2015 (Haatuf) – Siday ilo ku dhaw dhaw madaxtooyadu ay Haatuf u xaqiijiyeen Marwada Kowaad ee dalka Aamin Mohamed Jirde (Aamina Waris) ayaa intii Ramadaanta lagu jiray oo dhan isu xilsaartay gudoominta shirarka masuuliyiinta xukuumadda ee habeenkii lagu qabto madaxtooyada.Shirarkan oo ay ka midyihiin kuwa ay isugu yimaadaan Guddida Nabagelyada Qaranka ayaa waxa hadda caadi noqotay in lagu dhex arko iyadoo ay Aamina Waris gudoominayso.

Inkastoo inti uu ninka ay u dhaxday ee Axmed Silaanyo madaxweynaha dalka noqdayba iyada loola tagay jiray go’aan ka gaadhista arimaha qaarkood hadana lama arki jirin iyadoo gudoominaysa shirar ballasdhan oo xukuumaddu isugu timid balse waxay inta badan armaha loola tago ku dhameyn jirtay faq ama kulamo aad u kooban oo ay go’aankeeda kama dambeysta ah ka dhiibato.

Madaxweyne Silaanyo ayaa shantii sanadood ee uu xilka soo hayeyba waxa la dareemayey in aanu si buuxda caafimaad ahaan darteed u gudan karayn kala socodsiinta  hawlaha maamulka sarre ee dawladda iyo go’aan ka-qaada-shadooda, taas oo siday u muuqato ay culayskeedii kala wareegeen marwadiisa iyo wiilka uu soddoga u yahay ee Baashe Cawil, iyadoo uu dalku leeyahay Madaxwayne ku xigeen lasoo doortay.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS