haatuf.net
Wasiirka Ku Xigeenka Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha S/Land Oo Ka Qaybgalay Ciyaartii Kama-Danbaysta Ee Garoonka Guryo-Samo + Daawo Sawiradda
July 16, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, diagnosis July 16, 2015 (Haatuf) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland Yuusuf Cismaan Garas ayaa maanta ka qaybgalay munaasibadii lagu soo gabo-gabaynayey koobka bisha barakaysan ee Ramadaan ee garoonka Guryo-samo ee magaaladda Hargeysa.

Ciyaartan kama-danbaysta oo ay iskugu soo baxeen laba kooxood  ee  FC Jaban 2 iyo Hormood  oo ka kala socday xaafadaha Xidigta iyo Qudhac-dheer, kaas oo halkaasi gaadhsiiyey deeq qalab Sports ah.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u kulul isla markaana ay daawashadeeda iskugu yimaadeen dadwayne aad u tiro badan isla markaana ahayd ciyaar xamaasad badan ayaa waxay ku dhamaatay barbar dhac eber iyo eber ah, taas oo ay ku kala baxeen labada kooxood rikoodhayaal, isla markaana ay guushu ku raacday kooxda martida loo ahaa ee FC Jaban 2.

Markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa waxa munaasibadii koobka iyo jaa’isadaha lagu gudoonsiinayey ciyaartoyga ka hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin  Wasiir ku xigeenka  ciyaaraha Yuusuf Cismaan Garas, Xasan Maxamed Shirre, Mahdi Cismaan Buuri, Khadar Jiilaani iyo xubno kale oo iskugu jiray masuuliyiintii koobka maamulaysay iyo xubno qurbo joog ah, kuwaas oo dhamaantood qiray mihiimadda ay leeyihiin ciyaaruhu.

Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland Md Yuusuf Cismaan Garas oo dhalinyaradii koobkaasi soo qaban-qaabisay ee FC Jaban 1 uga mahadnaqay masuuliyadda ay isa saareen, kaas oo halkaasi uga balanqaaday inay wax badan kala qaban-doonaan dhalinyaradaasi hawlahaas ciyaaraha, waxaanu Yuusuf Garas halkaasi ku gudoonsiiyey kooxdii ku guulaysatay koobka, ciyaartoygii ugu wanaagsanaa, ciyaartoygii ugu akhlaaqada wanaagsanaa iyo kooxdii koobka qabatayba jaa’isado ay wasaaradu ugu talo-gashay si ay ugu dhiirigaliso dhalinyaradda Somaliland ee xiiseeya ciyaaraha.

Waxaanu Wasiir Garas madashaasi ka sheegay in dhamaan koobabka ka qabsoomay bisha Ramadaan magaaladda Hargeysa inay si nabadgalyo ah u dhamaadeen, kaas oo halkaasi ku bogaadiyey kooxdkii hanatay koobka ee FC Jaban 2.

 

 

 

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS