haatuf.net
Alle Ha U Naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cadde Oo Maydkiisa Barri La Keenayo Magaaladda Hargeysa
July 17, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, viagra July 17, symptoms 2015 (Haatuf) – Alle ha u naxariistee Marxuum Fuaad Aadan Cadde oo ku geeriyooday wadanka Turkiga ayaa la filayaa in maydkiisa dalka la keeno Sabtida beri haddii Alle idmo, sale iyadoo Hargeysa loogu samayn doono aas qaran.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa magacaabay guddi qaran oo qaban qaabinaysa aaska marxuumka, waxaanay guddiga oo shalay saxafadda la hadlay sheegeen in maydka marxuumka barqada beri la keeno doono Hargeysa, islamarkaana lagu aasi doono xabaalaha naasahablood ee magaalada Hargeysa.

Marxuum Fuaad Aadan Cadde, ayaa ahaa siyaasi miisaan ku lahaa Somaliland, waxaana geeridiisa si weyn u tabay shacabka Somaliland.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS