haatuf.net
Qalabka Lagu Dhagaysto, Laguna Jabsado Email-lada Ee wikileaks Fashilisay Bishan Oo Keenistooda Somaliland Ay Iska Kaashadeen Shirkad Is-gaadhsiineed Iyo Baashe Cawil
July 18, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, check July 19, ed 2015 (Haatuf) – Wiilka uu madaxwayne Siilaanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil iyo mid ka mid ah shirkadaha is-gaadhsiinta maxaliga ah ayaa ka danbeeyey qalab la keenay Somaliland sanadkii 2013-kii, kaas oo telefoonadda lagu dhagaysto isla markaana  Computerada lagaga jabsado sanduuqa fariimaha Emails-ka.

Qalabkan oo ay samaysay shirkad Talyaani ah oo magaceeda la yidhaahdo Hacking Team  sida ku cad qoraalo sir ah oo ay 8/7/2015 faafisay shabakadda wikileaks ayaa waxa shirkadda Hacking Team ka codsaday sarkaal sare oo shirkad is-gaadhsiineed oo Somaliland laga leeyahay u qaabilsan arrimaha farsamooyinka (Chief Technical Officer), kaas oo sheegay in xukuumadda Somaliland oo uu ka wakiilyahay ay ka dalbatay keenista qalabkaasi.

Sarkaalka matalayey shirkadda is-gaadhsiintu waxa kale oo uu codsigiisa oo ku taariikhaysan October 30, 2012-kii ku sheegayaa inay gacanta ku hayaan hawlo-basaasnimo oo ay xukuumadda u fulinayaan, kuwaas oo ay doonayaan inay uga faa’idaystaan khibradda Hacking Team u leedahay arrimahan oo kale.

Baashe Cawil oo ahaa ninka shirkadda is-gaadhsiineed ee maxaliga ah la waday hawshaasi ayuu madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo laba todobaad ka hor u magacaabay wakiilka Somaliland u fadhi doona magaaladda Abu-dhabi ee dalka Imaaraadka.

Mr Baashe ayaa markii uu 7/4/2014-kii ku guulaystay in albaabada loo laabo xarumihii labada Wargeys ee Haatuf iyo Somaliland Times, isla markaana ay shirkadaha is-gaadhsiintu ay xayiraad saaraan labadooda Website si aan looga akhirsanin dalka gudihiisa ayaa waxa kale oo uu juhdi badan galiyey sidii uu fadhiisin lahaa labada website ee www.Haatuf.net iyo www.somalilandtimes.net si aan dalka dibadiisa looga akhrisan, taas oo dhawr jeer u suurtowday isla markaana uu u kiraystay qolyaha ku shaqaysta jabinta iyo afduubka websit-yada.

Haatuf.net kala Soco arrimo kale oo cusub oo khuseeya sirahan ay khashiftay shabakadda wikileaks.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS