haatuf.net
Jewiga Hadhimo Sharafeed Ay Lad-Qabo Ku Lingaxan Tahay Oo Baadhasaabka Awdal Ku Qaabiley Madaxweynihii Hore Ee Somaliland
July 20, 2015 - Written by Admin Two

Nuxurka Tuhun Ka Dhashay Codsi La Xidhiidha Ladqabo Uu Suldaan Wabar Ka Galo

rayaale ramaax & wabar

Hargeysa, order July 20, 2015 (Haatuf) – Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan(ramaax), ayaa hadhimo-sharafeed magaalada Borama ugu sameeyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kahin iyo Xubno madax dhaqameed iyo aqoonyahanno ah oo gobolkaas kasoo jeeda. rayaale ramaax & wabarMarti-qaadkaas oo muddo dheer qabanqaabadiisu socotay, ayaan ujeeddadiisa si qoto dheer loo dooxin, waxase hadallo kooban oo laga jeediyey lagu sifeeyey inuu yahay kaliya qaddarin loo muujinayo mudane Daahir Rayaale oo dalka magac ku leh, balse waxa soo baxaya warar sheegaya in Badhasaabku madaxweynaha usoo bandhigay arrimo gobolkaas ka taagan oo u baahan inuu wax ka qabashadooda isku taxalujiyo.  Ka sokow Madaxweynihii hore Md Daahir Rayaale Kaahin, waxa iyaguna kulankaas kasoo qaybgalay Aqoonyahan, Salaadiin, Madax-dhaqameed iyo xubno kale oo kamid ah Muunadda Bulshada Reer Awdal, kuwaas oo dhammaantood ka mahadnaqay kulanka loo qabtay.  Kulankaas oo u muuqday mid madaxweynihii hore lagu sharfayey, ayaa haddana marka la eego dareenka ka jira Gobolka Awdal aan ka madhnayn mid loogu gogol xaadhayo wada-shaqayn xukuumaddu, gaar ahaan Maamulka Awdal ka doonayo Daahir Rayaale, kaas oo la doonayo inuu musdambeed ka noqdo xallinta  mashaqada uu abuuray Suldaan Wabar-ka buuraha fadqallladada ka wadaa.  Dareenka Reer Awdal iyo ilo kale oo kulankaas u dhuun daloola, ayaa sheegaya in odayaasha iyo waxgaradka kale ee madashaas ku sugnaa oo u badnaa xubnaha xukuumadda wada-shaqayn fiican la leh laga codsaday inay ku dedaalaan sidii ay madaxweynaha hore ugu dhiirrigelin lahaayeen sidii uu xal gacan buuxda uga geysan lahaa sidii looga takhalusi lahaa fallaagada tirada yare e Suldaan Wabar buuraha xuduudda Ethiopia la galay oo Gobolkaas dhibaato xagga ammaanka ah ku haya.  Badhasaabka Qudhiisa, ayaa khudbad kooban oo uu madasha ka jeediyey ku sheegay inuu madaxweynaha hore si gaar ah ugala hadli doono arrimo ku saabsan khibraddiisa gaarka, isla-markaana uu talooyin ka qaadan doono, inkastoo aanu si gaar ah u carrabaabin arrinta Suldaan Wabar ee Gobolkaas ka taagan,  “waa waajib in madaxweynihgii hore ee dalka la marti qaado oo sidan oo kale aynu u muujinno qiimaha uu inagu leeyahay maadaama Gobolkii uu u dhashay aan maanta masuul ka ahay waajib qaran bay igu tahay inaan casuumo, waanan isku dambayn doonnaa oo talo, tusaale iyo waano badan waanu ka qaadan doonaa maadaa oo uu yahay ruug caddaa dalka usoo taliyey oo wax badan oo inaga qarsoonna og. Daahir Rayaale-na taariikhdiisu mid la ilaawi karo.” Ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal.  Madaxweynihii Hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa jeediyey hadallo dardaaran iyo waayeelnimo xambaarsanaa, waxana uu Farriimo kooban u kala diray Shacabka Reer Awdal iyo Guud ahaanba Reer Somaliland, waxana uu yidhi, “Guddoomiyaha waan u mahadnaqayaa, kaas oo igu sharfay marti-qaadka gobolkan  aan u dhashay, waxana aan idinkula dardaarmayaa Reer Borama wixii  u ahaa Astaanta inaad halkii kasii wadaan, Nabad iyo taariikh baad samayseene yaanay taariikhdaasi idinka lumin.umadda waxan u rajaynayaa inay Geeddiga hayaankeeda ee horumarka inay halkeedii kasii wataan, isku duubni iyo inaad iska waanisaan waxa xun oo waxa wanaagsan isfartaan baan idiunkal talinayaa.”  Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa tilmaamay  inay hore Guddoomiyaha Awdal uga Wada-hadleen Sababta Casuumadda Madaxweynaha hore, balse laga jaahil saaray, waxana uu yidhi,“Badhasaabku dhawr jeer ooh ore ayuu igu yidhi Madaxweynihii hore ayeynu qado u samaynaynaa, markaasaan ku idhi waar ma siyaasad baad ku doonaysaan, waxana uu iigu jawaabay maya.”  Waa Casuumaddii ugu horraysay ee Madaxweynihii hore ee Somaliland loogu sameeyo Dalka tan iyo intii uu muddo laba bil iyo dheeraad ah ka hor dalka dib ugu soo laabtay, waxana xusid mudan inaanu wali madaxweyne Siilaanyo wax kulan ah la yeelan madaxweynihii shan sano ka hor xilka ku wareejiyey xilli uu jeel badan u qabay.Source:Hubaal.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS