haatuf.net
“Madaxweynaha Waxaan Waydiinayaa Awoodiisii Xagay Ku Luntay..Miyuu Ka Tanaasulay….??”Xildhibaan Axmed Gacan
July 20, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, viagra buy July 20, 2015 (Haatuf) – Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, oo ka tirsan aqalka guurtida Somaliland, ayaa madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu keeno xal lagu fardaamiyo muranka ka taagan cayimaada wakkhtiga doorashada.

Xildhibaan Obsiiye, waxa uu sheegay in guurtidu go’aan gaadhay balse aanay sharci u haysan dib uga noqoshada go’aanka ay ku kordhisay muddada sanadka iyo 10-ka bilood ah, taas bedelkeedana Madaxwene Siilaanyo haysto fursado sharci oo uu go’aan kaga gaadho wakhtiga doorashada.

“Dalka waxaa u madaxweyne ah Oday Siilaanyo.isagaa madaxweyne ah, shacabkuna cod badan buu siiyay oo waa la doortay. Ha la doortee dalku dastuur buu leeyahay. dastuurku anaga muddo kordhiya wuu na odhanayaa laakiin, ka noqda nama odhanayo, taasi meesha nooma taalo, waxa se meesha yaala Dastuurka marka qodobka 38-aad laga soo qaado ilaa dhammaadkiisa waxaa ku xardhan awoodda Madaxweynaha.Awoodda Madaxweynuhu Siyaado weeye,dalkana isagaa u madaxweyne ah,” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Marka hore waxay ahayd inaanu madaxweynuhu ka garab bixin guurtida oo uu muddo kordhintii guurtida ku daayo laakiin, haddii uu xukumaddii iyo Asxaabta gogol u fidiyay oo ay heshiiyeen, waajibka jiraa waxa weeye inuu isagu xal keeno”.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in Madaxweynuhu haysto fursado dastuuriya oo uu xal kaga gaadho muranka muddo kordhinta “Dastuurka ayaa wax u bannaynaya ee waa inuu dastuurka raaco. Dastuurku wuxuu u bannaynayaa laba qodob, kow inuu isagu soo saaro wareegto oo yidhaa doorashadaydu wakhtigaas bay ku eeg tahay, ama tii Xisbiyada ha raaco ama ha ka baydhee. Qodobka labaad waxa weeye inuu Komishanka u yeedho oo yidhaa wakhtigiina cayima ama Wakhtigoodii hore ha ku eegaadan ama mid kale ha raacaane, dabeedna isagu wareegto ku lifaaqo. Inuu se guurtida ku meeraysto oo yidhaa guurtida ayaanu la hadlaynaa waajib uma leh, guurtidu way kordhisay way isku khilaaftay anigu waan ka soo horjeeday maantana meel ay ka noqoto ma hayso”.

Gabogabadii Xildhibaan Axmed Obsiiye waxaa uu Madaxweynaha u diray su’aal ah inuu awoodiisii haysto iyo in kale “Farriinta aan Madaxweynaha u dirayaa waxa weeye horta dalka isagaa ka madaxweyne laakiin bal Madaxweynaha waxaan su’aalayaa awoodii madaxweynuhu xaggay ku luntay?, wakhtigii u dambeysay ee Riyaale ee Xildhibaan Gacanla isku qabtay doorashada Baarlamaanka si cad buu awood ugu soo saaray, kana awood buu xaq u leeyahay, dee awoodiisu halkay ku luntay ayaynu isaga waydiinaynaa?, miyuu ka tanaasulay awoodiisii, mise wuu ka tanaasulay, dastuurku wax buu u baneeyay waxaan ugu baaqayaa xal adigaa lagaa rabaaye xal keen” ayuu yidhi Mudane Obsiiye.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS