haatuf.net
Wax Ka Baro Astaamaha Hogaamiyenimo Ee Uu Leeyahay Murashaxa Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen; By: Cali Maxamed
July 20, 2015 - Written by Admin Two

Qof kasta oo han ka hayo jagada ugu sareysa dalka ee madaxtinimada waxa wanaagsan in la saaro miisaanka CV-giisa iyo wuxuu yahay, ampoule hadaba waxaan jecleystay in aan shacabka Somaliland u soo gudbiyo qaar ka mid ah astaamaha laga doonayo in uu yeesho hogaamiyaha wanaagsani,iyadoo ay hubaal tahay in aan la soo koobi Karin shakhsiyada uu yahay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo kartida,Aqoonta,horumarka uu ka gaadhay waayaha nolosha ayaan hadana waxaan idiin soo gudbinayaa akhristayaal qayb ka mid ah astaamaha laga doonayo hogaamiyaha doonaya in uu dal iyo dad hogaamiyo ,hada qaar ka mid ah astamahaasi uu leeyahay murashaxa madaxtinimada ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen aan idiin soo gudbiyo,hadaba astaamahaasi oo lagama maarmaan u ah hogaamiye kasta oo doonaya in uu noqdo madaxweyne Dalka,hadaba waxa ka mid ah astaamaha aanu ku aragnay murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen kuwan soo socda.

1: Jamaal Cali Xuseen waa nin ku wanaagsan diinta islaamka ,wuxuu had iyo jeer bulshada kula tukadaa goobaha lagu cibaadaysto,waa nin ay ka muuqato ku dhaqanka diintu,waa astaan laga doonayo hogaamiyaha wanaagsani in uu ku wanaagsan yahay ku dhaqanka diinta islaamka.

2: Waa nin Naxariis badan oo had iyo jeer wuxuu jecelyahay in wax la taro dadka jilicdasan iyo danyarta,wuxuu marar badan u kuur galay nolosha dhabta ah ee ay ku noolyihiin dadka danyarta ah iyo kuwa caadiga ah intaba,waa murashaxii ugu horeeyey ee bulshada la raaca gaadiidka caadiga ah sida basaska dadweynaha,waa murashaxii ugu horeeyey ee booqasho ku taga goobaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah ee meelo ka mid ah magaalooyinka dalka.

3: Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waa nin Samir badan oo mudadii uu ku jiray saaxada siyaasada muujiyey samir iyo dulqaad badan wuxuu markii ugu horeeysay ee uu ku soo biiray xisbiyada Siyaasada uu soo galay xisbigii guunka ahaa ee UDUB,iyadoo marka loo wado in uu noqdo murashaxa madaxtinimada ee xisbigaasi ayaa waxa cunaha iskaga duubay oo xisbigii laga furfuri kari waayey wasiirka hada ee Arimaha Gudaha Cali warancade oo khilaaf ka dhex dhaliyey xisbigii UDUB,taasiina waxay keentay in xisbigii UDUB uu laba garab u qaybsamo ,aakhirkiina khilaafkaasi uu abuuray Cali Warancade ayuu xisbigii ku burburay,Jamaal Cali Xuseen oo markaa lacag badan ku bixiyey xisbigii UDUB oo lagaga guulaystay tartankii madaxtinimada ee Somaliland ee dalka ka dhacay 2010-kii ayuu Jamaal Cali Xuseen isku dayayey in dib boodhka looga tumo UDUB oo uu noqdo xisbi ka soo kabta guuldaradii soo gaadhay isla markaana sumcadii uu bulshada ku dhex lahaa uu u soo celiyo,markii khilaafaadkii UDUB dhamaan waayey ayuu iskaga tegay Jamaal Cali Xuseen wuxuu ku soo biiray xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID wuxuu noqday Murashaxa madaxtinimada ee xisbigaasi ,wuxuu dadaal weyn u galay sidii uu kaalintiisa uga ciyaari lahaa tartankii adkaa ee lagu kala reebayey ururada ,wuxuu xisbiga u soo hooyey guul weyn oo wuxuu noqday xisbiga UCID mid soo baxa ,Jamaal ilaa xiligaasi ilaa hada wuxuu dadaal u galay sidii UCID u noqon lahayd xisbiga ugu taageerada badan xisbiyada dalka ka jira,taasina hada waa cadaan in xisbiga UCID yahay xisbiga ugu taageerada badan,guushaasi wuxuu ku soo gaadhay waa Samir iyo Dulqaad,waana astaan ka mid ah astaamaha laga doonayo in uu yeesho hogaamiyaha wanaagsani.

4: Jamaal Cali Xuseen waa nin gacan furan oo wixii uu hayo waa nin lala cuno,waa nin jecel intii karaankiisa ah in uu dadka wax taro oo uu wax bixiyo,waa astaan ka mid ah astaamaha laga doonayo hogaamiyaha wanaagsan, hore ayey somalidu ugu maahmaahdan hogaamiyuhu waa in uusan lahayn sadex astaamood oo kala ah, Gacan gudhan, Garleexsan iyo gudoon jilicsan, sadexdaasi astaamood waa in uusan yeelan hogaamiyaha wanaagsani.

5: Murashaxa Jagada madaxtinimada ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen waa Aqoonyahan waa astaan ka mid ah astaamaha laga doonayo hogaamiyaha wanaagsan,wuxuu Jamaal ka soo baxay oo uu ka qalinjabiyey jaamacada aduunka ugu sareysa ee HARVARD UNIVERSITY ,jaamacadan waxa ka soo baxa oo kaliya nin rag ah,aqoonta uu leeyahay waa aqoontii uu ku maamulayey bankgiga caalamiga ah ee city bank ,aqoonta uu leeyahay waa tii uu kaga soo shaqeeyey in ka badan 21 dal oo aduunka ha,aqoonta uu leeyahay waa ta maanta ka dhigtay mursahxa madaxtinimada ee xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID,aqoonta uu leeyahay waa ta uu ku doonayo in uu madaxweyne kaga noqdo Somaliland,aqoonta uu leeyahay waa ta uu ku doonayo inay bulshada reer Somaliland ku doorato,aqoonta uu leeyahay waa ta uu ku doonayo in dadka iyo dalkaba ku hogaamiyo,waana astaamaha ugu waaweyn ee laga doonayo qof kasta oo doonaya in uu dad iyo dalba hogaamiyo.

La soco taxaha qormooyinkan

By: Cali Maxamed

Email:calicabdilaahi@hotmail.com

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS