haatuf.net
Gudida Doorashooyinka Oo Ka Beensheegtay Xiliga La Qabanayo Diwaangalinta Codbixiyeyaasha Ee Qalibki Lagu Fulinlahaa Wali Maqanyahay
July 20, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa July 20, doctor 2015(Haatuf)-Gudida Doorashooyinka Qaranka aya shirki jaraayid ee ay shalay(19 July) xaruntooda ku qabteen waxay ku sheegeen inay diiwaangalinti codbixiyeyaasha ka bilaabi doonaan gobolka Togdheer 21-ka bishan.

Hadaba waxay Haatuf xaqiijinaysa in aanay jirin diiwaangalin dhab ah oo ka dhici doonta gobolka Togdheer taarriikhdaa ay gudida doorashooyinku iclaamisay iyo mid u dhaw toona maa daama aanu wali gudida gacanta ugu jirin qalabki(kits) lagu fulin lahaa diiwaangalintaasi iyadoo la filayo in 30-ki computer ee ugu horeeyey ee farsamo ahaan loogu talogalay in hawshaasi lagu hirgaliyo ay dalka soo gaadhi doonaan 30-ka bisha August.

Waxa kale oo gudoomiyaha gudida doorashooyinka Cabdulqaader Iimaan sheegay inay mar-wada bilaabi doonaan ooy is-dhex wadi doonaan diiwaangalinta codbixiyeyaasha iyo barnaamijki wacyigalinta ee ay aheyd in uu diiwaangalinta ugu yaraan 3 bilood ka sii horeeyo si dadweynaha loogu sii diyaariyo lona fahamsiiyo qaabka la isu diiwaangalinayo iyo goorta iyo goobta la iska diiwaangalinayo.Waxase aanu Mr Iimaan sheegin in gudida u madaxa ka yahay iyo hayadda IOM ay musuqmaasuqeen lacgti loogu talogalay wacyigalinta oo aanay wax wacyigalin ahi dhabahaan jiri doonin, pills lixdii NGO ee min lixdanka kun ee doolar ay siiyeen ee ay ilaa hada magacyadooda qarinayaanna meel ay gudida lafteedu kaga warami karta aanay jirin.

Hadaba suaasha la isweydiinaya waxa weeye sidee gudidan beenta ka sheegaysa xiliga ay qabanayso diiwaangalinti codbixiyeyaasha loogu aamini karaa inay dalka ka qabanqaabiso kana hirgaliso doorasho xor oo xalaal ah.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS