haatuf.net
Xisbiga Kulmiye Kuma Jiro Qof Somaliland Ka Badbaadin Kara Halista Ku Soo Waajahan; Qalinkii Mohamed Bashe Hassan
July 20, 2015 - Written by Admin Two

Somaliland waxa ay taagan tahay is-goys halis ah oo u baahan taxaddir iyo garasho ballaadhan oo lexla-jeclo badan ka leh dadka iyo dalka iyo badbaadinta dhitadii iyo dhaxalka ummaddu soo kasbatay tobanlayasshii gu’tirsi ee la soo dhaafay.

Saddex arrimood nin Somaliland wax uga qaban kara ayaa hoggaanku doonayaa:

  1. Wadajirka iyo isku haynta Somaliland min bariga ugu shisheeye ee hadda qaar maqan yahay (intii badnayd), symptoms galbeedka shishe oo hadda dareen tabani karo illaa heer iyo badhtamaha oo u kala qubtay reero iyo jifooyin si waalli ah u kala qaybsan oo qabyaaladi qurqurub u kitfayso isirradii wadajirka iyo garashadii qarannimo ba
  2. Dhaqaalaha iyo horumarka naanaabay ee sii xumaanaya, sales shaqo la’aanta baahsan, faqriga iyo gaajada ka sii daraya ee tahriibta iyo in waddanka la naco keentay
  3. Albaabka xadiiska xadiidka ah ee ku go’an siyaasadda dibedda iyo qorshe la’aanteeda foosha xun.

Saddexdaa dhadhaab ee waaweyn ee maanta Somaliland horyaalla iyo boqollaalka kale ee kuwaas ka sii farcamaya, waxa ay u baahan yihiin hoggaamiye leh himilo iyo higsi cad, aqoon iyo garasho hoggaamineed, abuuri kara oo ka midho dhalin kara ujeeddooyin iyo qorsheyaal la fulin karo oo banyaal ah.

Waa hoggaamiye kaasi goobtiisu ballaadhan tahay oo dalka iyo dadka gadhkiisa, ereygiisa iyo waxtarkiisu gaadhi karo.

Waa hoggaamiye kaasi samayn kara gole oo ku ururiyo aqoon ku timi maskax-tuujin iyo garasho fog oo noqon doonta isirradii iyo kooxdii isaga la hawl geli lahayd ee noqon lahayd baalashii uu ku duuli lahaa iyo hal -abuurkii dhaqaajin lahaa biyo fadhiya.

Su ‘aasha aan naftayda iyo tiinna ba waydiinayaa waa:

Saddexdaas qodob awooddii iyo garashadii xallintooda lagu beegsan lahaa iyo sifooyinkaas hoggaamiyennimo nin lihi raggan ma ku jiraa? KUWA KALE EE ASXAABTA KALE KA SHARAXANI SE MA KU JIRAAN QAAR YEELAN KARA SIFOOYINKA HOGGAAMIYAHA MAANTA LOO BAAHAN YAHAY ee Somaliland ka gudbin kara IS-GOYSKA halista badan ee ay maanta dul taagan tahay???!

Musharxinta Xisbiga kulmiye

  1. Muuse Biixi
  2. Mohamed Biixi
  3. Samaale
  4. xirsi
  5. Mohamoud xashi

 Qalinkii Mohamed Bashe Hassan

Maxamed Baashe

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS