haatuf.net
Xanuunka MDR-ka Ee Ku Dhaca Dadka La Qabsaday Dawadda Qaaxadda Oo Heerkii U Sareeyey Somaliland Ka Maraya Iyo Talaalkii Caruurta Ee BCG-ga Oo Dalka Ka Go’an
July 21, 2015 - Written by Admin Two

Madaxa Xafiiska Xakamaynta Xanuunka TB-da ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Ayaa Ka Seexday  Shaqadii Loo Igmaday

 

Hargeysa, medicine July 21, denture 2015 (Haatuf) – Xanuunka MDR-ka (Multi-Drug Resistant) ee ku dhaca dadka la qabsaday dawadda lagu daweeyo cudurka TB-da ayaa sida ay Haatuf u sheegeen dad xogogaal  u ahi Somaliland ka maraya heerkii u sareeyey ee uu abid ka gaadho dalka.

Xanuunka MDR-ka ayaa sida la sheegay Somaliland maraya 18%, online taas oo noqonaysa in 100 qof ee xanuunka qaaxadda qababa ay 18 ka mid ahi MDR qabaan, isla markaana aan laga dawaynkarin maadaama oo uu jidhkoodu hore ula qabsaday dawadii lagaga dawayn lahaa xanuunkaas.

Sidoo kale sida ay xogahani Haatuf u tibaaxeen waxa dalka ka go’an gabi ahaanba talaalkii caruurta ee TB-da ee BCG (Basilus Gulmette Guerin), kaas oo la siiyo caruurta yaryari marka ay dhalato, iyadoo ay talaalkaas keeni jirtay hay’adda UNICEF.

Kor u kaca xanuunka MDR-ka iyo kala go’a talaalka caruurta ee BCG-ga ayaa ah arrin aan la dhayalsan karin oo khatarteeda leh isla markaan la gudboon madaxda sare ee wasaaradda caafimaadka iyo xukuumadda talada haysaba inay si muuqata wax uga qabtaan maadaama oo ay  bulshadda Somaliland iyaga u igmatay wax ka qabashadooda.

Sida ay xogaha Haatuf heshay tilmaameen tan iyo mudadii loo magacaabay madaxa xakamaynta xanuunka TB-da ee wasaaradda caafimaadka Sayid Ismaaciil Xasan ayuu hoos u dhac wayni ku yimid dagaalkii loogu jiray xakamaynta xanuunka Qaaxadda oo ay mudooyinkii  hore Somaliland ku jirtay dalalka horumarka ugu badan ka sameeya dabar-goynka xanuunkaas.

Dhinaca kale inkastoo wasaaradda caafimaadka uu hada joogo wasiir firfircoon hadana waxa jira waxyaabo ka baxsan awoodiisa,  sida farmasiiyada ka ganacsada guud ahaan dawooyinka, gaar ahaan dawada qaaxadda, taas oo hadii aanay xukuumadda iyo wasaaradda caafimaadku sharci adag oo lagu hago kasoo saarin ay keeni karto masiibooyin ka balaadhan mushkiladaha caafimaad ee dalka wakhtigan ka jira.

Sidoo kale mar aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka waydiino masuuliyiinta ay khusayso ayaanay noo suurta-galin inaanu ku helno khadka telefoonka.

Kala Soco Haatuf.net xogo kale oo ku taxaluqa khataraha xanuunka TB-da.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS