haatuf.net
Habdhaqanka Shirkaddaha Isgaadhsiinta Iyo Dhawrista Xoriyaadka Distooriga Ah: Haatuf Staff Writer
July 21, 2015 - Written by Admin Two

Shirkadaha Is-gaadhsiinta ee iibiya adeega internet-ka ayaa waxay caadaysteen inay xayiraan website-ka soo daabaca waxyaabaha aanay jeclaysanin ee khuseeya ganacsigooda. Waxa kale oo ay fuliyaan shirkadaha is-gaadhsiinta Somaliland amarada aan sharciga waafaqsanayn ee mararka qaarkood kasoo baxa xaakim Maxkamadeed oo ay Madaxtooyadu ka dalbato in adeega internet-ka laga xanibo (blocking) website-ka u qabsoomi waaya.

Waa habdhaqan xad-gudub wayn ku ah distuurka u yaala Jamhuuriyadda Somaliland ee kafaala qaaday xoriyaadka, cough kana dhigay qodobo lama taabtaan ah oo dhawrsoon. Ku xad-gudubka distoorka ka sakow waxaanay xeerinin warbaahintii lasoo kifaaxday ee macaamiishooda ahayd mudadii ay jireenba, viagra sample iyadoo aad moodo inay isku qanciyeen inay waxwalba dantooda ka raacaan oo ay xataa ay la wareegaan shaqooyinkii warbaahintu qaban-jirtay sida baahinta ogaysiisyada, wararka iwm.

Hase yeeshee su’aashu waxay tahay taloow intee inleeg bay waaraysaa danta ugu jirta inay ka qaybqaataan cunaqabaynta xoriyatul-qawlka oo ay xayiraan xayeysiinkana ka joojiyaan website-ka wax ka qora, isla markaana dawladda ka ogolaadaan inay qofna wax ka iibiyaan qofna diidaan inay wax ka iibiyaan. Shirkadaha is-gaadhsiintu waa meherado gaar loo leeyahay oo ganacsigoodu ku dhisan yahay macaamilka ay dadwaynaha la leeyihiin. Waxaanu qabnaa oo aanu marwalba taagnayn in ka ganacsiga is-gaadhsiinta loo daayo shirkadaha oo dawladu nidaamin (regulation) mooyaane aanay faraha la soo galin, waayo waxaynu wada ognahay in haddii ay xukuumadu ay is-gaadhsiinta gacanta ku qabato ay isla fadhiisan doonto, xorna aanay ahaan doonin inkastoo shirkadahana gar loogu leeyahay in dhismahooda iyo maamulkoodu noqdo mid daah-furan (transparent) run ahaantii khatarta ka dhalankarta marka si khaldan oo qayrul-sharci ah loo isticmaalo technology -yada isgaadhsiinta kuma koobnaan doonto kolba warbaahinta ay dawladu necebtahay oo lagula dagaalamo, balse waxa dhici karta in loo adeegsado waxyeelaynta amaanka muwaadiniinta laftooda. Tusaale ahaan waxa dhawaan la ogaaday in shirkadda dalka UK ugu wayn xaga is-gaadhsiinta ee BT ay qandaraas kaga qaadatay ciidamada Maraykanka inay samayso kaybal Fibre optic ah oo inta laga soo jiido badda Ingiriiska lasoo gaadhsiiyo meel u dhaw xuduuda biyaha badda Somaliland si ay ugu adeegsadaan  hagista duulimaadyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee (Drone), kuwaas oo ay Maraykanku ku ugaadhsadaan madaxda ururka Alqaacida qaybtiisa Yemen iyo kuwa ururka Al-Shabaab ee Somalia. Waxaana dhacda in dad badan oo rayid ahi ay ku dhintaan duqaynta diyaaradahaasi Ilaahay inaguma keeno’e.

Waxa kale oo aynu maanta arkaynaa fadeexadan ay qarxisay Wikileaks ee dul hoogaynaysa shirkadda Is-gaadhsiinta ee SOMTEL, taas oo lasoo bandhigay emailo ay is-waydaarsadeen shirkadda Talyaaniga ee Hacking Team oo ay kaga dalbanayaan barnaamijyo lagu basaaso talefoonadda iyo fariimaha qoraalka, maqalka iyo muuqaalka ahba ee la iskugu diro computerada iyo telefoonada gacanta ee loo yaqaano smart phone-ka, iyadoo loo baahan yahay in shirkadda SOMTEL ay si degan oo xigmadi ku jirto u maarayso arrimahan isla markaana aanay la ficiltamin meherada warbaahinta ee iyagoo xilkooda gudanaya faaleeya ama bulshadda uga warama dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Xukuumadeenan jahligu aafeeyey iyada waxba ku daali mayno laakiin shirkadaha is-gaadhsiintu way ka warqabaan in casrigan aynu ku jirno ay aad u adagtahay haddii aanay suurta galba ahayn in war jira la qariyo, ama ay xukuumadi xanibi karto gudbinta macluumaadka (information communication).

Haddaba anagoo lexejeclo wayn ka qabna shirkadaheena is-gaadhsiinta oonaan waliba raali ka ahayn in midkoodna waxyeelo soo gaadho maadaama cida ku khasaaraysaa ay dalkan uun tahay, waxa iyagana la gudboon inay meel fog wax ka eegaan oo aanay macaamilkooda ku  seegin dano yaryar oo marxali ah, balse ay dhawraan iyagoo distoorka dalka u hogaansamaya xoriyada saxaafadda wadankooda ee lasoo halgantay isla markaana ilaaliyaan madaxbanaanida ganacsigooda oo aanay kala takoorin macaamiishooda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS