haatuf.net
Is-bahaysiga Mucaaradka Oo Shirkii Qaran Ee Ay Hore U Iclaamiiyeen U Cayimay Dabayaaqada Bishan
July 21, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, unhealthy | July 21, vcialis 40mg 2015 (Haatuf) – Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland ayaa wada jir ugu dhawaaqay qabashada shir talo qaran kadib markii ay jawaab ka waayeen Madaxweyne Siilaanyo oo ay hore ugu diraan dhambaal nuxurkiisu ahaa inuu hirgaliyo heshiiskii xisbiyada ka hor July 20, 2015.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancadde, ayaa dhawaan mucaaradka ugu baaqay inay ka soo qayb galaan wada hadal lala furi doono Guurtida si looga dhaadhiciyo hirgalinta heshiiska, waxaanu mamnuucay oo meesha ka saaray in dalkan uu ka dhaco shir qaran oo kale.

Musharax xigeenka Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, oo saxaafadda la hadlay kadib kulan dhex maray Ucid, Waddani iyo Madasha wadatashigu waxa uu sheegay in la ila afgartay Shir “Shirka maanta la iskugu yimid waxaa ka soo baxay in la qabto Shirka wadatashiga Mucaaradka oo ah, oo aanu u aragno shir qaran maadaama aanu nahay xisbiyada qaranka. Waxaa la isla gartay tirada ergooyinka shirka iyo tirada shirgudoonka shirka iyo waliba ajandaha shirka” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid.

Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sii sharaxay nuxurka shirkaasi “Nuxurka Shirka, shirku wuxuu qabsoomi doonaa 23-ka, 25-ka iyo 26-ka bishan todobaad ee aynu ku jirno, 2015. Maadaama xukumaddu ku fashilantay qabashada doorasho aan dhaafin wakkhtigii dastuurku u cayimay ee ku eekayd 26,June,2015, maadaama xukumaddu ka baxday heshiiskii laga gaadhay wakhtiga doorashada, maadaama muddo xileedkii dastuurku siiyay xukumaddu dhammaanayo 27,July,2015, maadaama ay lagama maarmaan tahay in qarankani ku dhaco mugdi hogaamin la’aaneed, waxay lagama maarmaan u arkeen asxaabta qaranku inay iskugu yimaadaan shirka ay kaga tashanayaan badbaadinta dimuquraadiyadda iyo badbaadada qaranka Somaliland”.

Xukumadda Siilaanyo iyo xisbigeeda ayaa hore ugu dooday in Mucaarad iyo muxaafadba u wada taalo sidii guurtida looga dhaadhicin lahaa hirgalinta heshiiska asxaabta ee ah doorashada la qabto december 2016, balse mucaaradka ayaa ku adkaysanaya in madaxweynuhu awood u leeyahay hirgalinta heshiiska balse uu hagranayo.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS