haatuf.net
DAAWO: 26 Sanno Ka Hor Maanta Oo Kale Iyo Xasuusta Murugada & Naxdinta badnayd Ee Xasuuqii Xeebta Jasiira Ee Muqdisho Iyo Tirada Dadka Reer Somaliland Ee Ku Naf-Waayey
July 21, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, allergy 21 July 2015 (Haatuf) – Maanta oo ay taariikhdu tahay 21 July, denture 2015, prostate waxay ku beegan tahay saddex maalmood ka dib Sannad-guurada 26-aad ee ka soo wareegtay markii uu dhacay Xasuuqii Xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho ee sida badheedhka loogu gumaaday 46-qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Jamhuuriyadda Somaliland markii ay taariikhdu ahayd 17 July 1989-kii. Akhristayaasha Wargeyska iyo Website-ka Himilo Media Group iyo Daawadayaasha Himilo TV, waxa aanu ugu bushaareynayaa inaanu halkan idinku soo bandhigno Taxanaha Filim laga sameeyey Xasuuqii Xeebta Jasiirra ee duleedka magaalada Muqdisho ee Soomaaliya uu Taliskii Maxamed Siyaad Barre ugu Geystay muwaadiniin u dhalatay Somaliland Bishii July ee sannadkii 1989-kii.

filimka xasuuqa xeebta jasiira  oo dhamaystiran ayaa ka kooban 10 Qaybood waxaanu ku Saabsan Xasuuqaasi iyo dhacdooyinkii laga ururiyey oo Bahda Himilo Media Group idiinku soo gudbiyeen si taxane ah.

Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee 46-ka qof ee xeebta Jasiira lagu xasuuqay 17-kii July 1989kii ayaa dhamaantood dhalasho ahaan waxay ka soo jeedeen Somaliland, kuwaas oo isugu jiray waayeel iyo dhalinyaro ahaa aqoonyahano, arday, ganacsato, macalimiin, xirfadlayaal, xoogmaal iyo shaqaale dawladeed, oo aan danbi galin, dhibaato kalena geysan balse loo gumaaday oo kaliya isirkooda oo cadaawad iyo naceyba u qabtay taliskii siyaad bare, sidaasi awgeed halkan ka daawo xasuuqii xeebta jasiira sidii uu u dhacay iyo shaqsiga kaliya sida uu uga badbaaday iyo dareenka ehelada dadkaasi lagu xasuuqay xeebta jasiira ee magaalada muqdisho.

Daawade waxaanu marti kaaga nahay inaad aragtida aad ka qaadatay daawashada filimkani, halkan hoose ka daawo, Source:Himilo.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS